shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

  Dhagaysiga Dacwadii Kalshaale oo gashay Maalintii Saddexaad iyo Beesha Buuhoodle oo Heshay Markhaatiyadii inay leeyihiin Kalshaale

(Maygaagle, December 07,  2010 Ceegaag Online)

 

Dacwadii ka socotay Deegaanka Maygaagle ayaa Maanta gashay Maalintii Saddexaadi Waxana Culumadii Hogaaminaysay Dacwadaasi Maanta Waydiiyeen inay labada Beelood Maxkamada u soo bandhigaan Mulkiyada Baliga kalshaale ay labada Beelood ku Doodayaan inay labaduna sheeganayaa inay leeyihiin Baliga kalshaale oo Labada Ardaa ku muran san yihiin.
 
Dhinaca Buuhoodle ayaana Culumada u Yeedhay inay Maxkamada ka sheegaan Sabaha ay Beesha Buuhoodle ku Mulkiyada Baliga Kalshaale Waxana goobta faah faahin kaga bixiyey Wakiil u Dacwaha Buuhoodle oo Akhiriyey sabaha Beesha Buuhoodle u leedahay Baliga Kalshaale..
 
 
1 in Baliga Kalshaale oo Baliga Kale ee hagoogane u jiro 3 km oo kaliya Beesha Buuhoodlena Diiday in Hagoogane ay ka sameeyaan Deegaan Cusub mudo ka hor sababtoo ah iyagoo iska leh Baliga kalshaale oo Xooluhu u daaqaan.
 
 
2 in Baliga kalshaale u jiro Maygaagle Geel Daaq kana Mid yahay Deegaanka Buuhoodle
 
 
3 in Baliga Kalshaale ay ku leeyihiin Ceelal soo jireen ah oo Qadiim ah isla Markaana Beesha Buuhoodle Haysato Markhaatiyadii oo goobta la keenay, intaskoo Culumadu diiday in labada Beelood aanay Waydiinay Wax Markhaati ah, Hadana Waxa Beesha Buuhoodle Nasiib u heshay Caaqil Ismail Warsame Shabeele( Ismail Madoobe)ka hor sheegay in Dhulbahante lahaan jiray Baliga kalshaale ilaa 1962 Xiligaasi oo Reerkiisu yaalay Duleedka Baliga Kalshaale Markhaatigaasina Culumadii ay halkaasi ku Aqbaleen.
 
 
 
4 in horay Beesha Bariga Burco looga aasay Baliga kalshaale Sanadkii 1995 Xiligaasi oo Labada Beelood ay ku heshiiyeen iyagoona Xiligaasi Heshiiskii ku Cadeeyey in aanay Qoday Baliga kalshaale haatan Bilaabeen Qoditaankani Cusub, Dhinaca Burco ayaa Wakiil u Dacwihii Waayey inuu faah faahinka bixiyo Mulkiyada inay leeyihiin Baliga kalshaale Waxayna kaliyoo Dacwadoodii ku soo koobeen in Beesha Buuhoodle ay jabisay heshiiskaasi lagu gaadhay Baliga kalshaale Sanadkii 1995 ayna Deegaano Beesha Buuhoodle ka Qodeen Deegaanada Galgal Qaydarka iyo Deegaano kale Waxayna Hogaamiya Maxkamadu goobta ka sheegay in aan laga Hadli karin Gal gal iyo Qaydarka Dacwaduna ku kooban tahay oo Kaliya Baliga Kalshaale.
 
 
Ugu danbaytiina Waxaa Sh Cismaan Cali Xuseen oo ah Gudoomiyaha Dacwad hogaamiyuhu goobta ka sheegay inay Dacwadu Xidhantahay Labada Beelood Barito dib ugu soo laabtaan Maxkamada Dacwaduna haatan ay Marayso Heerkii ugu danbeeyey laguna Wado in Go'aamada lagu dhawaaqo Barito Galinka hore....

 

 
Cali Dhagjar
Ceegaag,com
Maygaagle

webmaster@ceegaag.com