shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xubinta beesha Cigaal Naaleeye ee  khusuusiga SSC waa Saleebaan Aadan Cilmi(Saleebaan Dheere) Caaqil Isimail Maxmud Kooreeye Dhagayso

(Buuhoodle,  August 12,  2010 Ceegaag Online)

Aniga oo ah Caaqil Isimail Maxmud Kooreeyey ahna Caaqilka Guud ee Beesha Cigaal Naaleeye Waxaan Warbaahinta Gudaha iyo dibada u sheegayaa in Wararka lagu daabacay Qaarkamid ah Warbaahinta yahay mid aan lug,  sal iyo Raadtoona lahayn, isla markaana la doonayo in beesha dhexdeeda laga abuuro Warar been ah.
 
 
Caaqilka ayaa intaasi Raaciyey in Warkaasi ka lagu daabacay Websedyada lagu sheegay in Beesha Cigaal Naaleeye Kalsoonidii kala laabatay Saleebaan Aadan Cilmi oo golaha Khusuusiga ugu jiray beesha Cigaal Naaleeye isla markaana lagu bedelay nin kale.
 
 
Caaqilka ayaa intaasi Raaciyey in Xubinta beesha Cigaal Naaleeye uu horay u ahaa saleebaan Aadan Cilmi(Saleebaan dheere) haatan isagu uu yahay Xubintaasi beesha ugu jira golaha khusuusiga.
 
Warkaasi Waxaa shabakada Wararka Ceegaag.com soo gaadhsiiyey Caaqilka Guud ee beesha Cigaal Naaleeye Xaaji Ismail Muxumud Kooreeyey.

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com