shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaano Saraakiil iyo Shacab gaadhaya ilaa afartameeyo oo lagu laayay Hoteelka Muna

(Muqdisho,  August 24,  2010 Ceegaag Online)

Kooxaha diin ku qadhaabtayaasha ee Al-shabaab  ayaa saaka weerar ku qaaday Hoteel Muna oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan dawladakumeel gaadhka ah dadkaa ayaa waxaa ka midahaa Lix Xildhibaan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Buulle Xasan Macalin, Xildhibaan Sheekh Axmed Buraalle, Xildhibaan Max’uud Gacameey iyo xildhibaano kale.

Waxaa sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay ilaa 6 ka mid ah xildhibaanada Barlamanka, kuwaasi oo dhaawacooda la gaarsiiyay Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, waxaana iyana ka mid ahaa Xildhibaan Siid Cali iyo Xildhibaan Isxaaq Fatiir.

Sidoo kale waxaa goobtaasi ku geeriyooday ilaa 5 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaa sidoo kale halkaasi ku geeriyooday tirada dadka lagu xasuuqay ayaa iyana gaaraya in ka badan 25-qof oo ay ku jiraan carruur yar yar oo ahaa Caseeyayaal.

Talaabadan ayaa ah midmuu jinasa gabaabsiga tageerada dadku u hayeen kooxaha diinta ku hoos gabada iyadaa dadku haatan isu tabaabu sheenayaan inay xididada u siibaan kooxaha ay kamidyihiin Al.shabaab Khawaarijiin.

Daawo sawirada sida wuxuushnimada ah ee maanta oo Rabadaan ah dhiigooda lagu daadiyay si aan munaasab ahayn


webmaster@ceegaag.com