shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad balaadhan oo kadhacday dalka Malaysia, gaar ahaan caasimada (kualalumpur )xafladaasoo lagu xusayay sanad guuradii 12aad ee kasoo wareegtay aasaaska dawlad goboleedka Puntland,

(Malaysia,  August 08,  2010 Ceegaag Online)

Xafladaasoo ay soo qaban qaabiyey xafiisaka safiirka puntland u fadhiya dalka Malaysia MR: AXMED OSMAAN SHIBIIN Iyo jaaliyada rer puntland ee kunool dalka Malaysia .

Xafladaas oo ay kasoo qeyb galeen marti sharaf aad u farabadan , aqoonyahanno iyo siyaasiyiin
iyo( ISIMO ) aad uga dhexmuuqda bulshaweynta soomaaliyeed ,
oo ay kamid yihiin

-SULDAAN SICIID MAXAMED GARAASE.
-DR: C/WALI HIRSI ABDULLE
-DR:SAYID MAXAMED CANDULLE XASAN
-MR:AHMED OSMAN SHIBIN
-PRO: C/HI XOOGSADE
-PRO:XASAN SH.CALI (IMAAMKA)

Ugu horeentti xaflada waxaa furay safiir AHMED OSMAN SHIBIN wuxuuna kudheraaday in la horumariyo arimaha wax barashada iyo lanoolaanshaha umadaha qalaad, in la ilaaliyo dhaqanka,

Dagananshaha dadyoowga qalaad ,sidoo kale wuxu safiirku kudheeraaday tariikhda umada somaliyeed

Gar aahan dalkan Malaysia waqtiyadii kala duwanaa ey soo mareen, iyo hada mesha la marayo sidookale wuxuu tooshka ku ifiyay wada mudan in laraaco .
sidoo kale Safiirku wuxuu tariikh kooban ka bixiyey asaaskii PUNTLAND , waxqabadkeedii iyo guud ahan tariikhda Somalia.

Sidoo kale waxaa Madasha khudbad aad uqiimo badan ka soo jeediyay suldaan SICIID MAXAMED GARAASE oo kamid aha isimada reer puntland

Suldaanka oo kamid ah asasayashii maamul goboleedka puntland ee somaliyeed waxuuna suldanku Kawarbixiyey xalada manta puntland kujirto arimihii lasoo maray iyo guud ahan dalka somaliya .
suldaanka Ayaa ugu baaqay umada somaliyeed inay ka kacan fadhiga loona guntado sidii loo radinlahaa qaranimadii soomaaliyeed oo horay u jirtay. Iyo shraftii umada somaliyeed.
ugu danbaytiina war bixin balaaran kasiiyay dalkeenii bulsha weynata xaflada isugutimid una duceeyey umada somaliyeed iyo dalkiiba .

Sidoo kale waxa isna madasha kahadlay dr c/wali xirsi abdule oo ahanjiray wasiir dawladii carta iyo Wasiir dawalda deeganka somalida itobia hada ah macalin wax kadhiga jamacada insaaniya ee dalka Malaysia, wuxuna wasiirku ugu baqay umada somaliyeed inay dib ugu laaabtan dhaqankii iyo taladii soojireenka aheyd ee geedka . kuna baaqay intalada faraha looga qaado isimada iyo wax garadkeena .

dr c/wali ayaa umada somaliyeed ugu baaqay inay raadiyaan nabadii iyo karamadii dalka soomaaliyed.

waxaa isna madasha ka hadlay PRO HASAN SH CALI kuna dheeraaday tariikhdii umada somaliyeed iyo manta meesha la marayo PRO HASAN ayaa ugu baqay maamuladda PUNTLAND I yo SOMALILAND ineysan ku naaloon nabda ay heystaan .
walalahooda dhibaataysanna ay radaiyaan nabadii iyo kala danbayntii guud dalka PRO hasan ayaa waxaa ka mid aha hadaladisii somaliya waa hal guri maha laba guri amaba guryo badan
waxaa isna madasha kasoo jeediyey PRO C/LAAHI XOOGSADE wuxuuna aad uu culayska u saray
horu marka iyo wax barashada ardayda somaliyeed iyo macnaha ay leedahay wax barshadu ugu danbayntiina waxaa shahaado sharafyo lagudoonsiiyey arday somaliyeed oo muteystay shahaado sharafyo xagga waxbarasha iyo dhaqankaba waxaana gudoonsiinayay xafiiska puntland ee dalka Malaysia, ee uu wakiilka ka yahay MR:AXMED OSMAN SHIBIN iyo DR:C/WALI INAGURAN.



CIISA AXMED GARAAAD (SOOFE)
KUALALUMPUR MALEYSIA

webmaster@ceegaag.com