shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waxgaradka Degmada Boocame iyo Buuhoodle oo ku Guulaystay Qabashada Gaadiidkii laga afduubay Duleedka Buuhoodle, isla markaana canbaareeyey talaabadaasi

(Boocame,  August 15,  2010 Ceegaag Online)

Waxgaradka Magaalada Buuhoodle iyo degmada Boocame oo katirsan gobolka Sool ayaa guulaystay Qabashada Gaadiid Xamuul ah oo lag afduubay deegaano katirsan magaalada buuhoodle gaadiidkaasi oo ka soo baxay magaalada Burco una Rarnaa magaalada Galdagob iyo magaalada gaalkacyo ee Xarunta gobolkaasi Mudug.
 
Gaadiidkaasi ayaa deegaanka Waxa ka afduubay koox dablay ah oo iyagu taabac sanaa SSC, Balse Masuuliyiinta SSC Ayaa dhinacooda Warbaahinta u sheegay inay kooxdaasi ka baxday Ciidanka SSC, Isla markaana yihiin koox dablay ah, Gaadiidkaasi ayaana lagu Qabtay kii ugu danbeeyey magaalada Boocame halka kuwii kale Culumada diinta Cuqaasha iyo waxgaradka buuhoodle gacanta ku soo dhigeen gaadiidkaasi kuna Wareejiyeen Mulkiilayaashii isla lahaa.
 
 
Labo Kamid ah Gaadiidkaasi oo soo gaadhay Magaalada Buuhoodle ayaa Waxaa ka maqan hanti farabadan oo dablaydaasi ka Qaatay Gaadiidkaasi intii ay saarnaayeen Waxana kaloo gaadiidkaasi soo gaadhay Bur bur Lixaad leh, Waxana lagu Wadaa in Gaadiidkaasi haatan u Gudbaan dhinaca magaalada gaalkacyo oo laga leeyahay Gaadiidkaasi.
 
 
Ugu danbaytiina Waxgaradka Buuhoodle iyo dhamaan dadka deegaanka Buuhoodle ayaa talaabadaasi ku tilmaamay Mid aan loo baahnay oo lagu dilayo sumcada deegaanka Buuhoodle iyo gabi ahaanba dan Guud ee Beesha, Waxna Waxgaradka deegaanka Buuhoodle intaasi Raaciyeen inaanay u dul Qaadan dooni talaabooyinka noocaasi oo kala ah mar danbe.
 
 
www.ceegaag.com
 


webmaster@ceegaag.com