shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Gaashaan dhiga Maamulka somaliland oo Ceegaag.com Waraysi khaas ah siiyey kana hadlay Heshiiskii dhexmaray Isimada laba garab ee ka dhacay Xadhadhanka

(Hargaysa,  August 10,  2010 Ceegaag Online)

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Maamulka Somaliland Axmed Xaaji Cali (Cadami) Dhagayso

Kadib Markii dhawaan Magaalada Xadhadhanka Heshiis ku Dhexmaray Isimo Cuqaal, Waxgaradka ka socda bariga Burco iyo Isimada iyo Waxgaradka deegaanka Buuhoodle, Heshiiskaasi oo ka koobnaa 5 Qodob, ayaa Qodob kamid ah Waxa uu ku saabsanaa(3. Salaadiin, Cuqaasha, Culumada iyo Waxgaradka Beelaha Bariga Burco waxay  iyaguna dhinacooda   balan qaadeen in ciidamada Somaliland ee ku sugan Deegaamada Widhwidh  iyo Balihadhac lagu celiyo Fadhiisimadoodii hore).
 
Heshiiskaasi ayaa Markiii ugu horaysay Waxa ka hadlay Maamulka Somaliland oo sheegay inay dhib sadeen Qodobkaasi Ciidamo ka saarista degmada Widh Widh oo Maamulka Somaliland ku sheegay in Qodobkaasi lagu deg degay Xili hore, isla markaan sheegeen inay soo dhawaynayaan go'aankaasi Isimada ku yeesheen magaaalada Xadhadhanka.
 
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Maamulka Somaliland Axmed Xaaji Cali (Cadami) ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com isagoo magaalada Hargaysa ku sugan faah faahin ka siiyey, Sida Maamulka Somaliland u arko heshiiskaasi, ay isimada labada dhinac ku yeesheen magaalada Xadhadhanka.
 
 
Wasiirka gaashaandhiga ayaa sidoo kale ka hadlay sababaha keenay Ciidamada Maamulka Somaliland degmada Widh Widh iyo Qaabka looga Celinayo magaalada Widh Widh, Wasiirka gaashaandhiga ayaa sidoo kale Ceegaag.com Waydiisay Dhibaatooyin Ciidanka Maamulka Somaliland ku hayaan shacabka magaalada Widh Widh oo dad badani ka barakacay dagaalkii halkaasi ka dhacay.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 


webmaster@ceegaag.com