shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka Gargaarka iyo Horumarinta Ceegaag oo qalab kala duwan sida Miisas & Kuraas gaadhsiiyay Degmooyinka Ceegaag iyo Horufadhi. 

(Ceegaag,  August 03,  2010 Ceegaag Online)

Ururka Egag Emergency Development Organization (EEDO) ee fadhigiisu yahay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dawlada Puntland ayaa gaadhsiiyay qalabeyn isugu jirta Miisas & Kuraas Degmooyinka Ceegaag iyo Horufadhi.

Qalabeyntan Iskuulada Ceegaag & Horufadhi oo ah mid aad u casriyeysan lagana keenay Wadanka Iskutaga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa daba socotay codsi ururka Gargaarka iyo Horumarinta Ceegaag (EEDO) u gudbiyay Wasaarada Waxbarashada ee Dawlada Punland sanadkii tagay,  taas oo uu dadaal dheer kadib ku guuleystay in ay helaan qalabkan isugu jira Miisas & Kuraas taas oo ay ka faa’ideysandoonaan Arday tiradoodu kor u dhaaftay 200 oo Arday.

Qalabeyntan ayaa markii ay gaadhay Magaalooyinka Ceegaag iyo Horufadhi la gudoonsiiyay Maamulayaasha Iskuulada, taas oo ay xafladii gudoonsiinta kasoo qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee rayidka ah.

Dhinaca kale Wasaarada Waxbarashada ee Dawlada Puntland ayaa qalabeyn tan oo kale horey u gaadhsiisay Degmooyinka Boocame iyo Xuddun ee Gobolka Sool.

Axmed Xariir Gaas

Vice Chairman & Program Co-ordinator (EEDO)

Tell: + 252 972 5895

E-mail:  eedo93@gmail.com

webmaster@ceegaag.com