shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taliyihii Qaybta Booliska gobolka Mudug oo iscasilay

(Gaalkacayo,  August 12,  2010 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolkaasi mudug ayaa ku soo waramaya inuu iscasilay taliyihii dhinaca amaanka ee guud ahaan gobolka mudug oo dhan G/Sare Muuse Axmed Cabdiraxmaan (Xasaasi) oo goordhawayd Saxaafad magaalada Gaalkacyo u sheegay inuu iska Casilay Xilkii taliyaha Qaybta ee Booliska magaalada gaalkacyo ee Xarunta gobolkaasi mudug.
 
Taliyaha Iscasilay ayaa warbaahinta u sheegay sababaha uu Xilka uga tagay inay tahay kadib markii khilaaf xoogan iyo muranba soo kala dhexgalay taliyaha Ciidanka booliska ee puntland khilaafkaasi oo mudo badan soo tiijamayey, imina ay igu kaliftay inaan iscasilyo, ayuu sheegay taliyaha Qaybta booliska gobolka mudug.
 
G/Sare Muuse Axmed Cabdiraxmaan (Xasaasi) ayaa mudooyinkii tagay Xilkaasi ahaa Waxana uu waxbadan ka Qabtay falalka amaandaradee hadhaysay guud ahaan magaalada gaalkacyo oo iminta degan, balse Bilooyinkii tagay noqotay magaalo dilalku ku soo badanayaa.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle.
www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com