shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Canshuurta Beriga ee gobolka Bari Cabdulqaadir Axmed Kheyr (Bashka) oo Lagu Weeray Boosaaso

(Boosaaso,  August 30,  2010 Ceegaag Online)

Koox Hubaysan ayaa Xalay Weerarku Qaaday Guriga uu Magaalada Boosaaso ka degan yahay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Canshuurta Beriga ee gobolka bari Cabdulqaadir Axmed Kheyr (Bashka) Waxana Guriga taliyahaasi lagu Weeraray Bambaanooyinka gacanta laga tuuro iyo Rasaas Xoogan oo Mudo Dhexmartay Ilaalada taliyaha iyo Kooxdaasi Hubaysan ee Weerarka ku Qaaday Taliyaha ilaalinta Cashuuraha Gobolkaasi Bari.
 
Weerarka Sarkaalkan ayaa Waxa ku dhaawacmay Mid kamid ah ilaalida taliyaha oo Rasaastii dhexmartay kooxdaasi ku dhaawacmay isagu oo dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka Magaalada Boosaaso, lama oga Sabaha keenay in Weerarkaasi lagu Qaado taliyaha Ilaalinta Cashuuraha ee gobolka bari Waxana Weerarkani ku soo Beegmayaa iyadoo dagaalo dhexmarayaan Maamulka puntlan iyo Hogaamiya Sh Maxamed Atam.
 
Magaalada Boosaaso ayaana sidoo kale Noqotay Magaalo falalka amaandaradu ku soo badanayaa mudooyinka Waxana Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso Wadaan Hawl galo Xoogan oo Amaanka gobolka Bari Wax looga Qabanayo Xiligan, iyadoona Ciidamada Boolisku Bilaabeen Roondooyin Xiliga habeenkii ah.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com