shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sidee La isu Waafajinkaraa Baaqa Madaxwayne Siilaanyo iyo Nabadraadinta Garaad Abshir

(Minnesota,  August 27,  2010 Ceegaag Online)

DHAMAAN WAAN SALAAMAYAA Bahwaynta webka ceegaag iyo dhamaan umada muslimiinta ah meelkastooy joogaanba Ramadaan kariim. waxaana u mahadcelinayaa shaqaalaha webka ceegaag ee noo suuragaliyey in aan si wanaagsan uga haqabla Aanno wararka Xaqiiqda Ah ee soomaaliya iyo Meelabadan oo kaleba mahadsanidin.

intaas kabacdi sida laga wada dharagsan yahay waxaa baaq soojeediyey madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamud siilaanyo kaas oo ku wajahan Goboladda Sool Sanaag & Cayn, Baaqaas oo ah Gogolnabadeed. maalmo kabacdi waxaa bilaamay guuxa dad waynaha kuwaas oo ay ugu horeeyaan garaado iyo Cuqaal waxaa bilaabmay shirar iyo wadahadalo si ay uga jawabaan hadalka madaxwayne siilaano iyagoo iskudayaya in lagabaxo dhibka mar uun, kaas oo daashaday umada nafbadanna ay kubaxday garaadadaas oo u danbeeyey Garaad Abshir Saalax.

Aniga Ra'yi Ahaan ilama xuma Garaadku fikirkiisu waayo wuxuu doonayaa waanabad nabadna waa macaantahay garaadku Haduu Nabadwado halataageero oo Yaan la diidin ciidamada dagan maanta widhwidh iyo hareeraheeda haduu garaadku sinabadgalyo ah uga saarayo garaadka halataageero oo yaanladiidin hadii garaadku Madaxwayne siilaanyo iyo Dawlada soomaalilandba uu waan waan lagalo oo nabadgalyo kusoodabaalo deegaankaas yaan la diidine halataageero garaadka.

waxan leeyahay madaxwayne Siilaanyo hadii Aad kadhabayso baaqa iyo gogosha aad kubaaqday ee reer Sool Sanaag iyo Cayn waan soo dhawaynaynaa laakiin waxaan kaa codsanayaa in Aad nabada kasoo dhisto aas aaska hoose oo ah in aad ciidamada Somaaliland ee jooga dhulka SSC sinabadgalyo ah iyo wadahadalba leh lagu xaliyo arimahooda.

in shacabka la tixgaliyo, in garaadada la tixgaliyo, in doonista shacabka waxbadan laga hormariyo
in meesha lagasaaro awood ciidan iyo muruqbaan kujoogaa ee lagubadalo wadahadal toos ah sidii nabada loo adkaynlahaana la isuguyimaado meel dhexdhexaad ah.

hadaba maxaa lagudboon umada kudhaqan Sool Sanaag iyo Cayn

  1. waa in ay wadahadal ay yeeshaan dhexdooda ah
  2. waa in ay khilaafka yareeyaan dhexdooda ah
  3. waa in ay ixtiraamaan garaadada sharaftaleh
  4. waa in nabada laga hormariyaa waxkasta.
  5. waa in dariska lagula noolaadaa nabadgalyo.
  6. waa in Wax la isu quudhaa oon Cadbursijirin iyo nin tooocsi.

MAXAA LAGUDBOON QURBA JOOGTA Sool Sanaag iyo Cayn.... waxaa kula talinlahaa

  1. waa in Ay xaqdhawraan dadka gudaha kudhaqan
  2. waa in aysan hurin colaad sokeeye iyo midshisheeye toona
  3. waa in ay umada wacyigaliyaan oo aysan shilinkooda cadaab kumutaysanin
  4. waa in Aad uga faa ii daysaan aqoontiina dhanka nabadgalyada.
  5. waa in laxaqdhawro fikirka garaadada iyo cuqaasha nabadajecel
  6. waa in Aad caawisaan shacabka kudhibaataysan sool sanaag iyo cayn

Wabilaahi Tawfiiq

Qore Abdirahman Mahamed Aden U S A MINNESOTA
saalim_81@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com