shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkada Telesom oo deeq gaadhsiisay Isbitaalka Laascaanod (Daawo Sawiradda).

(Laascaanood,  August 24,  2010 Ceegaag Online)

 

Shirkada Isgaadhsiinta ee telesom oo kamid ah Shirkada ka Hawl gala gobolada somalia gaar ahaan gobolka sool ayaa maanta deeq Gaadhsiisay Isbitaalka Guud ee magaalada laascaanood oo ay Xiligani ku jiraan Bukaano Qabano Cudurka TBDa oo iyagu ku jira Isbitaalka Magaalada Laascaanood oo Isbitaalka ka Qaada Daawada Xanuunka TBDa.
 
 
Deeqdaasi Lacagta ah ayaana Bukaanada Waxa u Qabiyey Wakiilka Shirkada Isgaadhsiintee Telesom ee laascaanood oo isaga Maanta Booqday Xarunta Isbitaalka Guud ee gobolkaasi Dr C/risaaq Axmed Warsame(Dhabayaco) Waxana isla Xarunta DhexdeedaDadkaasi Bukaanka ah loogu Qaybiyey Lacagtaasi ay ugu Deeqday Shirkada Telesom.
 
 
Madaxda Caafimaadka ee Gobolka Sool iyo Maamulka Isbitaalka magaalada laascaanood ayaa Mahad Celin halkaasi uga soo Jeediyey Shirkada Isgaadhsiinta Telesom oo iyadu ku talaabsatay talaabo loo baahnaa gacan ka Gaystay Caawinta Bukaanada Jiifa Isbitaalka Guud ee Laascaanood.
 
 
Maaha Markii ugu Horaysay ee Shirkada Telesom Laascaanood talaabooyin Noocan oo kala ahi ay ku talaabsado Waxayna ka Qayb Qaadayaa taageerada arimaha Bulshada gaar ahaa Caafimaadka Waxbarashada iyo biyaha oo shirkadu Macaamiisheeda ay inta badan ka taageertaa.


 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle


webmaster@ceegaag.com