shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roobab lagu diirsaday oo xalay ka curtay Degmada Ceegaag iyo nawaaxigeeda.

(Ceegaag,  August 26,  2010 Ceegaag Online)

Habeenimadii Xalayto ayaa Waxaa deegaano badan oo katirsan degmooyinka iyo Tuulooyinka SSC ka Curtay Roobabkii gu'ga ee sanadka oo xalay Maansheeyey deegaano badan oo Roobabkaasi Siwayn loogu Diirsaday.

 

Meelaha Roobabka ugu xooga badan ay heleen ayaa Waxaa kamid ah Degmaayinka Ceegaag, Yeyle, Horufadhi iyo nawaaxigooda ayaa roobabkaasi xalay si weyn uga da’een, Roobabkani ayaa ku soo Beegmaya iyadoo lagu jiro Bishii Barakaysnayd ee Ramadaanka Waxaana Curashada Raxmaadka soo dhaweeyey Guud ahaan Bulshada oo Ilaahay uga Mahad Celiyey Raxmaadkiisa uu ugu Deeqay.

 

Dhinaca kale Magaalada Buuhoodle ayaa Waxa ku Hooray Roobab Biyo dhig ah Waxaana Roobku Magaalada uga badan yahay Dhinaca Bariga oo Saaka Roobabka laga soo sheegay.

wixii kusoo kordha wararka Raxamaadka kala soco Ceegaag.com

Cali Dhagjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com