shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Reer Hiiraan maanta Caleemo Saaray Madaxwaynaha  Dawladoodii dibad jooga ahayd.

(Nairobi,  August 21,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa xalay hotelka Intercontinental ee magaalada Nairobi lagu qabtay xaflad laggu caleema saarayay Madaxweynaha iyo ku xigeenka maamul goboleedka Hiraan State ee dhawaan looga dhawaaqay caasimada Nairobi.

Xaflada caleema saarka oo ahayd mid si aad ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay siyaasiyiin, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee jaaliyada reer Hiraan, waxaana dadkii kasoo qayb galay kamid ahaa Faarax Macalin oo ah gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya, Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii Soomaaliya, iyo waliba siyaasyiin kale oo caan ka ah gobolka Hiraan.

Sheekh Cabdiqaadir  Sheekh Muumin ayaa goobta ku dhaariyay Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Hiraan State; Maxamed Cabdi Gaab iyo waliba ku xigeenkiisa, Kol.Isaaq Cabdulle Cali, waxaana intaasi ka dib la galin jeedinta khudbooyinka.

Faarax Macalin; gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya ayaa u hambalyeeya maamul goboleedka cusub iyo waliba madaxdiisa isaga oona ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirta Soomaaliya.

Sidoo kale Faarax Macalin ayaa ku booriyay maamulka cusub in ay ka shaqeeyaan amaanka iyo xasilooni ka dhalinta gobolka Hiraan si looga baxo xaalada adage e uu haatan dalka Soomaaliya ku sugan yahay.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Cali Mahdi oo ku dheeraaday taariikhda dheer ee ay Hiraan ku leedahay Soomaaliya iyo waliba ragga caanka ah ee uu gobolkaasi Soomaaliya ku lahaa

Madaxweynaha cusub ee loo caleema saaray Hiraan State; Maxamed Cabdi Gaab ayaa lagu soo dhaweeyay makarafoonka isaga oo ka hadlay sababta keentay in xilligaan ay ku dhawaaqaan maamul goboleed uuna sheegay in sababta ugu weyn ay tahay iyadoo dadka reer Hiraan aysan 20kii sanno ee tagay helin adeegyada asaasiga ah ee ay u baahnaayeen.

Maxamed Cabdi Gaab ayaa intaasi ku daray in aysan ahayn gooni u goosad ayna si dhab ah u taageersan yihiin midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyanaha ayaa ballan qaaday in ay dhawaan gobolka Hiraan tagayaan ayna halkaasi kaga howl gali doonaan si nabad ah.

Arrinta la is waydiinaya ayaa ah sida uu maamulkan cusub uga howl gali doono gobolka Hiraan maadaama ay haata gacanta ku hayaan gobolkaasi ururka Alshabab.

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com