shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

War deg deg ah, Bishii Ramadaan oo laga arkay Qaybo kamid ah gobolada Soomaliya iyo Buuhodle oo loga dhawaaqay inay barito tahay maalin ramadaan ah

(Ramadaanka,  August 10,  2010 Ceegaag Online)

Wariyey C/naasir Yaasiin Salaad oo kamid ah saxafiyiinta gobolkaasi Nugaal katirsan Idaacada SBC ooaanu ka waraysanay sidii loo dhaarinayay dadkii arkay bisha ramadaanka Dhagayso

Bishii barakaysnayd ee Ramadaanka oo kamid ah bilaha ugu khayrka iyo Cibaadada badan ee ilaahay soo dajiyey ayaa laga arkay Qaybo kamid ah gobolada somalia gaar ahaan Magaalooyinka Muqdisho garoowe oo kamid ah gobolada dalka ee somalia oo siwayn bisha Ramadaanka looga arkay,  isla markaana Culumadaasi ka aragtay magaalooyinkaasi Umada islamka ah halkaasi uga sheegeen inay barito tahay maalin ramadaan ah.
 
 
 
Magaalada Garoowe ayaa bisha Waxaa arkay Qaarkamid ah Culumada gobolkaasi Nugaal oo markii danbe la keenay Misaajidka Wayn ee Huda ee kuyaala bartamaha magaalada garoowe halkaasi oo Culumadaasi dadka Muslimiinta ah uga sheegeen inay bariti tahay maalin ramadaan.
 
 
 
Ceegaag.com ayaana talefoonka magaalada garoowe kula Xidhiidhay Wariyey C/naasir Yaasiin Salaad oo kamid ah saxafiyiinta gobolkaasi Nugaal katirsan Idaacada SBC Waxan uuna C/naasir ceegaag.com sharaxaadka siiyey Qaabka bisha ramadaan Garoowe looga arkay, iyo sida looga diyaar garoobay bisha ramadaan Caawa guud ahaan gobolada puntland.
 
 
Dhinaca kale Magaalada Buuhoodle ayaa caawa waxa kaga dhawaaqay inay barito tahay maalin ramadaan Sh Cumar SH Cismaan oo AH Sh Guud ee gobolka Cayn waxa uuna u sheegay guud ahaan Shacabka deegaanka inay barito tahay maalin ramadaan,looga baahan yahay Cibaado farabadan iyo inay ilaahay agtiisa ku dhawaadaan iska ilaaliyaan Waxyaabaha soonka burinaya.
 
 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buhodle
Ramadaan kariin.


webmaster@ceegaag.com