shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxamed Xasan Buraale iyo Kayse Cabdi Yuusuf oo War Saxaafada loogu talagalay ka soo saaray dharkayn geeyo, dhaliilna u jeediyey Madaxda SSC.

(Dharkayn-Geeyo,  August 16,  2010 Ceegaag Online)

Waraysigii  Eng Maxamed Xasan Buraale iyo Kayse Cabdi Yuusuf Dhagayso

Taliyaha Guutada Ismail Mire ee garabka Badbaada SSC iyo Eng Maxamed Xasan Buraale oo kamid ah Madaxda SSC oo haatan howlo shaqo u joogaa magaalada Dharkayn geeyo ayaa magaalada dharkayn ka soo saaray War saxaaada loogu talagalay Warkaasi oo ku saab sanaa in Guutada Ismail Mire Wax heshiis ah aanay la galay Hogaanka SSC, isla markaana Wararkaasi lagu daabacay Websedyada yahay Warka fog Xaqiiqda.
 
Eng Maxamed Xasan buraale ayaa hogaanka ssc u soo Jeediyey dhaliil Xoogan Waxa uu Maxamed Xasan buraale sheegay in gabi ahaanba hogaanku uu Noqday mid fadhiid ah, kuna guuldaraystay Xorayntii, isla markaana gabi ahaanba ku tuntay shricigii loo dajiyey SSC ka hor inta aanay imaana Gudaha Wadanka.
 
Maxamed Xasan buraale ayaa sheegay in loo baahan yahay shir deg deg ah oo lay isugu yimaado looga hadlo Xaalada haatan kataagan deegaanada SSC, Maxamed Xasan buraale  Waxana kaloo Ceegaag.com u sheegay inay diyaar u yihiin inay Sii Wadaan xorayntii iyo difaacii, iminka aruurinayaa Ciidamadii oo iyagu soo gaadhay magaalada dharkayn geeyo.
 
Waraysigaasi oo ah Mid dheer isla markaana taabanaya dhinacyo Badan ka dhagayso shabakada Wararka Ceegaag.com oo Madaxdaasi la soo Xidhiidheen iyagoona ku sugan magaalada dharkayngeeyo.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 


webmaster@ceegaag.com