shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Al-Bashiir oo shir alaababadu u xirnaayeen layeeshay maanta Madaxwaynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
 

(Khartuum,  August 17,  2010 Ceegaag Online)

Madaxwaynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka duulay magaalada Muqdisho si lama filaan ah isaga oo ka dagay magaalda Khartuum ee dalka Suudaan oo uu si diiran ugu soo dhaweeyay madaxwayne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Waftiga madaxwaynaha Soomaaliya oo ahaa mid kooban ayaa waxaa loo galbiyay xaga aqalka madaxtooyada iyada oo labada madaxwayne yeesheen shir albaabadu u xirnaayeen.

Warar naga soo gaadhaya ilo wareed yo iska diiday in la shaaciyo ayaa shakhan shakhoodu noogu sheegay in dawlada Soomaaliya doonaso inay haatan ciidamo ka hesho dalalka Islaamka taasoo laga yaabo inay in uun soo celiso kalsoonidii shacabka siiba kuwa reer Muqdisho.

Dawlada Suudaan ayaa lagu wadaa inay Ciidamo u diyaarinaso Soomaaliya kuwaasoo badali doona kuwa AMASOM oo iyagu ka daray xaga xasuuqa shacabka  dhiigyo cabyadii Itoobiyaanka ahaa ee kal hore ka huleelay Soomaaliya ka dib Jab iyo Halaag ay kala kulmeen Hadhaagii Maxaakimta Islaamiga ee ka hanaqaaday Muqdisho sanadkii 2006 ka.

Su'aasha is waydiinta mudan ayaa ah Suudaan ma Aqbali doontaa Codsiga Soomaaliya oo Ciidamo ma u soo diri doontaa Soomaaliya.

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com