shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Siilaanyo oo Xilkii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiyey Maanta iska Wareejiyey, isla markaana sheegay inuu markale Doorashada ka Qayb galayn
 

(Hargaysa,  August 04,  2010 Ceegaag Online)

Madaxwaynaha Cusub ee Maamulka somaliland Axmed Maxamuud siilaanyo ayaa maanta Xilkii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiyey ee haatan talada haya ugu wareejiyay Guddoomiye ku xigeenka xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi, kadib Xaflada balaadhan oo maanta ka dhacday hotelka maansoor ee magaalada hargaysa oo Madaxwayne siilaanyo kaga dhawaaqay inuu Xilkaasi si rasmi ah maanta ku wareejiyey Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Gudoomiyey kuxigeenka Xisbiga kulmiye.
 
 
Madaxwayne siilaanyo ayaa maanta ka sheegay Xafladaasi magaalada hargaysa inuu fulinayo Go’aamadii ka soo baxay shirweynihii labaad ee xisbiga kulmiye ee Burco kaasoo ay ka mid ahayd inuu xilka wareejiyo haddii uu ku guulaysto talada Dalka., isagoo qadarinaya inaanu laba xil qofna isku hayn karina uu maanta go’aansaday inuu wareejiyo Xilkaasi oo balantu ahayd.
 
 
Dhinaca kale Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Kulmiyey Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Maanta lagu wareejiyay xilka Xisbiga ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uga mahad naqay sida kalsoonida leh ee uu xilka u wareejiyay isagoo sheegay inay Afrika ku yar tahay Madaxweyne taladii xisbiga wareejiyay.
 
Madaxwayne siilaanyo ayaa ka soo baxay Xisbiga Kulmiyey kadib doorashadii ka dhacday dhawaan Maamulka somaliland isagoona Xafladaasi ka sheegay inaanu Mar kale Madaxtinimada aanu isu soo sharaxahayn.
 

Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle


webmaster@ceegaag.com