shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Siilaanyo oo Magacaabay Wasiiro ka Soo taliya Xaalada gobolada SSC iyo Qaabkii loo Waji lahaa
 

(Hargaysa,  August 18,  2010 Ceegaag Online)

Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa Magacaabay Gudi ka soo tala Bixiya Xaaladaha aga ee kataagan Gobolada Sool iyo Sanaag Bari oo Madaxwayne Siilaanyo Arimahaasi u Magacaabay Qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada ee dhawaan uu Magacaabay Waxaya kala Yihiin Xubnaha golaha Wasiirada ee loo diray gobolada Sool iyo Sanaag bari.
 

Waxaanu madaxwaynuhu Guddidaasi uu Magacaabay faray in ay ka soo talo bixiyaan soona qiimeeyan, isla markaana soo darsan Duruufaha ka taagan iyo qorshe Nabadeedkii lagu Xalin lahaa Aaga Bariga ee Gobolada Sool iyo Sanaag Bari.

1 Wasiirka Arimaha Gudaha------ Dr Maxamed Cabdi Gaboose Gudoomiyaha Wasiirada

2 Wasiirka Gaashaan dhiga------- Axmed Xaaji Cali cadami Xubin

3 Wasiirka Duulista iyo Hawada---- Maxamuud Xaashi Cabdi

4 Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha-- C/risaaq khaliif xagar.

5 Wasiirka Boostada iyo isgaadhsiinta----- C/risaaq Ibraahin Maxamed(ataash)

6 WkXigeenka Arimaha Gudaha------------ Cismaan Garaad Soofe

7 Gudoomiyey Kuxigeenka golaha Wakiilada-- Baashe Maxamed Cadde

8 Mudane Fu,aad aadan Cadde---------------------------- Xubin.

Wararka laga helayo magaalada Hargaysa ayaa sheegay in Gudigaasi dhawaan Howlaha loo diray ay Bilaabi doonaan isla markaana lagu Wado inay Booqasho ku Yimaadaan deegaanadaasi Madaxwaynaha Siilaanyo u diray inay ka soo War bixiyaan dhinacyada Amaanka iyo xaalada ka taagan goboladaasi, Madaxwayne Siilaanyo ayaana horay Warbaahinta uga sheegay inuu arimaha goboladaasi ku galayo Qaabka ugu haboon ee dhinaca Wahadalka laguna dhamayn lahaa Mush kilada kataagan.

Ali Osman Yuusuf

Ceegaag.com

 


webmaster@ceegaag.com