shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwaynaha Maamulka somaliland oo Xilalkii ka Qaaday Gudoomiyaasha gobolada Maamulka somaliland Qaar kalena Maanta Magaabay

(Hargaysa,  August 12,  2010 Ceegaag Online)

Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamuud siilaanyo ayaa maanta Ku dhawaaqay Badhasabada gobolada Maamulka somaliland uu gacanta kuhayo, kadib War Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Magaalada Hargaysa oo ku saxeexnaa Madaxwaynaha Maamulka somaliland Axmed Maxamuud siilaanyo oo ahayd Sidan.
 
1. Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje).
Gudoomiye ku xigeen gobolka Maroodi-jeex:Mawliid Weris Cabdilaahi

2. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer. Yaasiin Maxamed Cabdi
Gudoomiye ku xigeen gobolka Togdheer: Cabdi Daahir Caynaanshe
 
3. Gudoomiyaha Gobolka Saaxil: Maxamuud Cali Hayste (Ramaax)
Gudoomiye Ku xigeen gobolka Saaxil khaddar Cali Cilmi

4. Gudoomiyaha Gabilely Rashiid Cumar Sh. Maxamed
Gudoomiye ku xigeen gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case)
 
5-Gudoomiyaha Gobolka sool Mudane Cabdilaahi UJaamac Diiriye,
Gudoomiye ku xigeen gobolka Sool
Axmed Aadn Carte
 
6- gudoomiyaha gobolka Hawd: Jamaal Xuseen Hurreh
Gudoomiye ku xigeen gobolka Hawd khaddar Ibraahin Jaamac
 
7-Gudoomiyaha gobolka Saaraar: Ibraahin Xasan Cali
Gudoomiye xigeen gobolka Saaraar: Ibraahin Jaamac Maxamed
 
8-Gudoomiyaha gobolka Sallel: Maxamed Muuse Bucul
9-Gudoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurreh (dib-u-magacaabid)

Madaxweynuhu waxa uu gudoomiyeyaashii hore iyo ku xigeenadooda hore ee gobolada Maroodi-jeex. Saaxil, Togdheer, Sool, Saraar, Hawd iyo Gabiley uga mahad-celiyay mudadii ay xilka soo hayeen, iyada oo ay sunnaha dawladnimotahay isbedelku awgeedna waxa uu Madaxweynuhu faray inay sida ugu dhakhsaha badan ugu wareejiyaan masuuliyiinta cusub ee xilalka loo magacaabay.

ALLAA MAHAD LEH
 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 


webmaster@ceegaag.com