shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwaynaha reer Puntland C/raxmaan Faroole oo noqday madaxwaynihii ugu horeyay ee isaga oo xilka haya yimaada deegaanada SSC

(Buuro-wadal,  August 28,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa maanta kormeer shaqo oo aan lasii shaacin ku yimid tuulkada Buuro-wadal madaxwaynaha reer Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole,  booqashadan oo noqonasa booqashadii ugu hereesay ee Madaxwayne xilka haya oo reer Puntland ahi ku yimaado deegaanada SSC.

Buuro-wadal ayaa iyadu ahayd meel ay gabaad ka dhigteen qaarkamida hogaamiyayasha reer SSC iyagoo ka yagleelay maamul ay ugu magac dareen Hagaanka Dib u Xoraynta SSC, halka maamulka Puntland na ugu yeedhay Jabhad aan jiho lahayn.

Booqashadan ayaan ilaa hada la garanayn sababta ku kaliftay inuu madaxwayne Faroole ku yimaado deegaan ka mida deegaanada SSC oo iyagu doorbidaya inay ka digo rogtaan kasii mid ahaan shaha Maamulka Puntland.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com