shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Puntland oo Joojiyey Idaacada VOA iyo   Universal TV oo kamid ah Warbaahinta ka Howl gasha gudaha Puntland

(Garoowe,  August 10,  2010 Ceegaag Online)


Wasaarada Warfaafinta Isgaadhsiinta Hidaha iyo dhaqanka ee Maamulka Puntland ayaa Maanta shaqadii ka joojisay Wakiilada ha'yada Warbaahinta ee kala ah Warbaahinnada VOA iyo Universal Tv Xarumahooda guud ahaan gobolada puntland amarkani ayaana maanta sitoos ah uga soo Baxay Wasaarada Warfaafinta ee puntland.

Qoraalkan kuma cadeyn sababaha shaqada loogaga fariisinayo Wakiilkani balse waxa ku xusnaa laguna ogeysiinayay qoraalkani oo uu ku saxiixnaa kusimaha Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta iyo Hidaha iyo dhaqanka Puntland Yaasiin Aadan Rooble  in uu shaqado joojiyo.

Horay ayaa Maamulka puntland talaabadan oo kale uga Qaaday Warbaahinada ka howl gala gudaha deegaanada puntland waxana Wasaaradu inta badan ku eedaysaa Warbaahinada Qaarkood inay si khaldan uga hadlaan marxalada ka jira gudaha puntland, mana jiraan dhinaca kale Wax War ah oo ka soo baxay Idaacada Voada iyo TVga Universal oo gabi ahaanba la joojiyey maanta.

Cali dhagjar

Ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com