shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kornayl Maxamed Cumar Cigaal(tacabir oo Ceegaag.com Siiyey Waraysi Dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo ka hadlaya Xaalada gobolada SSC

(Imaaraadka Carabta,  August 17,  2010 Ceegaag Online)

Warasiga Kornayl Maxamed Cumar Cigaal (tacabir)  Dhagayso

Shabakada Wararka Ceegaag.com Waxa talefoonka Kula soo Xidhiidhay Kornayl Maxamed Cumar Cigaal(tacabir) oo kamid ah Madaxda Ururka NSUM oo ku sugan magaalada Dubai ee Caasimada Wadanka IMaaraadka, Maxamed Cumar Cigaal ayaana waxa uu Ceegaag.com ula soo Xidhiidhay inuu ka hadlayo Xaalada haatan kataagan deegaanada SSC.

 
Maxamed Cumar Cigaal ayaa Waxa kaloo uu Dhaliil Xoogan iyo eeday Dusha uga tuuray Madaxda SSC Waxa uuna sheegay inay dhinac mareen Waxyaabihii laga sugayey, iyagoona ku gacan saydhay Waxgaradka deegaanka Buuhoodle Qaybihiisa kala Duwan, sida Isimada Cuqaasha, ganacsatada oo ay gabi ahaantood ka Hor Yimaadaa.
 
Maxamed Cumar Cigaal(tacabir ayaa intaasi Raaciyey in dhaqaalo farabadan oo laga soo diray Dibada lagu tagri falay isla markaana deegaano Horleh oo katirsan deegaanada SSC Maamulka somaliland gacanta loo galiyey Waxana uu ugu baaqay dhamaan beelaha SSC Inay shir isugu Yimaadan kaga hadlaan Xaalada haatan ka taagan deegaanada SSC.

 
Maxamed Cumar Cigaal oo kamid Madaxda Ururka NSUM Ayaa Ceegaag.com Waydiisay Wadahadalka uu ku dhawaaqay Madaxwaynaha Maamulka somaliland ee uu sheegay inuu la galayo siyaasiyiinta iyo Waxgaradka goboladaasi Waxa Tacabir sheegay inta Ciidamada Maamulka somaliland ku sugan Yihiin taako kamid ah gobolada ssc aanay Wax wahadal ah aanay la galayn Maamulka somaliland, Waxa ugu baaqay inuu Madaxwayne siilaanyo Ciidamada ka saaro deegaanada uu haatan ku soo galay Xad Gudubka.
 

Cali Dhegjar

Buuhoodle


webmaster@ceegaag.com