shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda Sahnuuniyiinta oo shaaciyay inay Uganga ka caawinayaan dagaalka ay kawadaan Soomaaliya

(Kampala,  August 15,  2010 Ceegaag Online)

Kooxda Sahnuuniyada Bariga Dhexe ayaa shaacisay inay dhinaca Sirdoonka ka caawinayaan Dawlada Uganda oo ciidamo Nabad ka ilaalin ah ay ka joogaan Caasimada Muqdisho.

Dhawaaqan ayaa ah mid sii adkeenaya Mowqifka dawlada Soomaaliya ee uu horkacaya Madaxwayne Sheekh Shariif u baadi goobayaan Ciidamo shisheeye oo sii lugooya Soomaaliya, hakadna loo galin lahaa  dadaalka loogu jiro in dib loo hanto Dawladnimadii dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ay noqotay meel haatan ay ku hardamaan kooxo is leh asalkuuduna meel kasoo wada Farcamay una xusul duuban baabiinta Dalalka Islaamka iyo diinta islaam waloow ay qaarkood huwan yihiin Shaati ku shaabadeeasan Islaamiyiin.

Dinaca kale dadaalo ayaa haatan soconaya la doonayo in dalka Soomaaliya intii damiir ku hadhay loo dabar goyn lahaa iyadoo haatan Goboladii dalka ee deganaa laga abaabulayo Jabhado Hubaysan oo huwan Shaatiyo Qabiil oo salka ku haya Deegaamaysi iyo Kooxaysi.
 

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com