shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaaliyadda SSC Ee Abu Dhabi Oo Noqotay Jaaliyadda Ugu Khilaafka Badan Marka La Barbardhigo Jaaliyadaha Kale Ee Qurbo-j
 

(Imaaraadka,  August 04,  2010 Ceegaag Online)

Wadanka Isutaga Imaaraadka carabta waxaa ku dhaqan Jaaliyadda balaadhan oo lagu qiyaasay 20,000 oo qoys, intaas waxaa sii dheer in sanad walba ay si is daba- jooga ah u soo booqdaan  kumannaan  qof oo ka mid ah qurba-joogta SSC ee ku dhaqan dunida daafaheeda kuwaasoo ujeedadooda ugu weyni tahay inay ka hirgaliyaan mashaariic u badan dhinaca baayac-mushtarka ah iyo inay uga sii gudbaan wadankii hooyo.
 

Qurba-joogta dibadaha ka yimaadaa inta badan waxay saldhigyo ka dhigtaan magaalooyinka Dubai, Sharjah iyo Cujman, bulshadii ay halkaas ugu yimaadeena  waxay ku dhiiri galiyeen wax-wada qabsi, is dhex gal iyo iskaashi aan ku dhisneyn  nidaam beel ama qoys, taasina waxay keentay in Jaaliyadda SSC ee ku dhaqan  sadexdan magaalo ay si weyn isu dhexgalaan, muujiyaana isku duubni iyo is  jeclaansho, iyagoo iska soo dhaweysanaya qoomiyadaha kale ee soomaaliyeed ee  ku dhaqan dalka intiisa kale, isla markaana waxay sameysteen  hogaan mideysan,  si wadajir ahna ayay u bixiyaan qadhaamada, iyagoo isku duuban ayay soo  dhaweeyaan wufuuda dibadaha kaga imaanaya ee u dhashay SSC sida Isimadda iyo shakhsiyaadka muhiimka ah.
 

 

Hadaba, iyadoo dulucda ujeedadaydu tahay Nasiib daradda haysata Jaaliyadda SSC ee ku dhaqan caasimadda Abu Dhabi oo qiyaastii 135 KM u jirta Dubai waxaa  ku dhaqan Jaaliyad tiro badan una badan dad shaqaale dowladeed ah, inta badana ka howl gala xafiisyadda dowladda oo laga  shaqeeyaa 8 ilaa 10 saacadood oo aroortii ah, kana firaaqo badan jaaliyadaha kale ee ku dhaqan dalka intiisa kale, nasiib daro waxay wakhtigooda qaaliga ah ku lumiyaan kala furfurida danaha shacabka SSC, intaas waxaa u sii dheer inayna iyagu heshiishba ahayn oo ay beelo, beelo iyo qoys qoys hoose isu heystaan.

 

Marar badan waxaa dhacday in aan si wadajir ah looga wada qeyb gali munaasibadaha caanka ah ee uusan bani-adanku ku kala maqnaan karin, sida farxadaha aroosyadda, geerida ama manaasibadda waaweyn ee lagu gorfeynayo arimaha bulshadda u gaar ah, waxaa kaloo marar badan dhacday in Isimadda beesha sida garaadada, caaqiladda, ama siyaasiyiinta u dhashay beesha ee dibadda kaga yimaada kulamadooda laga wada qeyb galin, iyagoo odhanaya 'garaadkaasi waa reer qansax oo u tagi mayno', ama shakhsiyaadka shirka abaabulayaa waa reer qudhac oo anaga oo ah reer qansax nagumay casumin shirkaas'.

 

Dabcan khilaaf bani-adanka dhexdiisa lagama waayo, jaaliyaddaha SSC waxaa dhexyaalla khilaaf guud salkana ku haya  labada beelood ee Isaaq iyo Majeerteen ama puntland iyo somaliland oo iyagu abuuray khilaafkan, waana mid ay mudo dheer ka soo shaqeynayeen siday arimahooda uga fushadaan una helaan qeyb  iyaga raacsan, dabcan khilaafkaas waa mid la garan karo oo meel loo raacana leh,  ujeedada ka dambeysa iyo danaha laga leeyahayna waa mid jaaliyadda SSC ay ka warqabto, taasina waa xaaladda soo dedejisay in la helo Maamulka hadheeya Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Waxaan xasuustaa sanadihii dagaaladii habar-habarta ee beelaha Isaaq ku dagaalamayeen Burco ayaan soo galay makhaayad shaaha laga cabo, dad badan ayaa fadhiyay balse isku heyb ah, waxaan fadhiistay kursi markaa banaanaa, isla markaana waxaan dalbaday koob shaah ah, Inta lays eegay ayaa la aamusay, waa lay gartay inaan ka soo jeedo SSC waxaa ii jawaabay wiilkii makhaayadda hayay ee shaaha dadka siinayay wuxuu Igu yidhi 'adeer shaah ma yaallo', waan ogaaday in wax khaldan yihiin, aniga qudheyduna aan galay soone xidhan, taasi waxay ahayd marxalada adag oo beelaha soomaaliyeed aysan isu gali kari jirin, waayo wadankii waxaa ka socday dagaalo sokeeye oo aan waxba laysula hadhin, beelihii sidaas ii takooray ee shaaha iga iibin waayay bishii July 01, 2010 maalintii lagu dhawaaqay in Siilaanyo ku guuleystay madaxnimo ku sheegga maamulka Jabhada SNM waxay soomaali oo dhan ku casumeen makhaayadahooda oo mudo 3 maalmood ahna cuntadoodu waxay ahayd free of charge.

Hadaba waxaad moodaa in xaaladaas qalafsan beelaha kale ee soomaaliyeed ka soo gudbeen oo ay ogaadeen inayna kala maarmi karin, sameysteena nidaam gaashaan buursi ah, balse jaaliyadda SSC ee reer Abu Dhabi wali waxaa dhagahooda ku qufulan in wadankii dagaal sokeeye ka socdo oo u dhaxeeya beelaha SSC dhexdooda, soomaalidu waxay tiraahdaa 'Awr waliba Awrka ka horeeya ayuu hogaankiisa leeyahay', qoyskuna kama soo hadho taladda Aabaha, haddii Aabihii aaminsan yahay afkaartii kala qeybsanaanta beelaha SSC, habeen walbana caruurtiisa iyo haweenkiisa uga sheekeeyo sheeko turxaan leh, kuna  yiraahdo 'hebel iyo hebel waa reer qansax ee ha salaamina oo qaadhaanka ha la bixinina', waa maxay horumarka ay gaadhi karaan jaaliyadda reer abu dhabi?.

 

Marar badan waxay sameysteen gudiyo, marar kalana waxay qabsadeen shirar aan loo dhameyn, waxaan xasuustaa maalin maalmaha ka mid ah, waxaan ka soo baxay shir beeshu lahayd, makhaayad aan hoolka shirka wax badan ka durugsaneyn waxaan ugu imid dhuloos badan oo ku qaxweynaya, nin goobta fadhiyay ayaa ii gacan haadiyay oo igu yidhi soo fadhiiso oo shirka nooga waran!, wuxuu ii raaciyay yaa yimid!, waxaan ugu jawaabay shirkii dad badani ma iman oo waxaa lagu balamay shir dambe oo bil kadib qabsoomi doona, nimankii gudida ahaana waxay dadkii shirka yimid ka dhex doorteen 3 xubnood oo fariinta shirka dadka la gaadhsiiya'.

 

Oday kale oo goobta fadhiyay ayaa su'aal i waydiiyay oo yidhi 'oo waa kuwama 3-daas xubnood?, waxaan ugu jawaabay, waa hebel, iyo hebel iyo hebel, Odaygii waa aamusay, hase ahaatee wiil dhalinyaro ah oo markaa aan da'diisa ku qiyaasay 17 ayaa hadalkii qaatay oo yidhi 'waa isku beel'. Runtii hadalka wiilka yar ayaan runtii la yaabay, Abu Dhabi ayuu ku dhashay oo luqada soomaaliga si fiican uma yaqaan, soomaaliya ma tagin laakiin waxaa si fiican loo xafidsiiyay qeybaha beelaha SSC u kala baxaan, iyo colaadaha soo kala dhexmaray laga soo bilaabo taariikhdii sayid maxamed cabdulla xassan.

Hadaba, markaan rog rogay khilaafka iyo hogaan la'aanta u dhaxeeya waxaa ii soo baxay dhowrkan arimood:

Marka hore jaaliyadda reer abu dhabi waxay u qeybsan yihiin laba generation, mid waa dadka waaweyn oo da'doodu u dhaxayso 45 – 65 sanadood, waana shaqaalle dowladadeed oo aan helin fasax badan oo ay wadankii ku tagaan si ay xaaladda dhabta ah ee jirtaa maskaxdooda ugu sameyso cusboonaysiin(updating).

 

Generation ka kale ayaa ah caruurtii ay dhaleen oo badankoodu wadanka ku dhasheen oo luqadda iyo dhaqanka soomaaliya aan aad uga dharagsaneyn, waayo waxay wax ku barteen luqadda carabta, taariikhda carbeed ayaa la baray, fursadii ay wadankoodii hooyo ku tagi lahaayeen kamay helin waalidiintii dhashay.

 

Qodobka kale ee saameynta ku leh ayaa ah in qurba-joogta SSC ee soo booqanaya magaalooyinka Dubai, Sharjah iyo Cujman aysan imaan ama tagin magaalada Abu Dhabi, waayo ugu horeyn ma aha magaallo ganacsi, tan labaad way ka fogtahay  Dubai, haday yimaadaana waa wakhti yar oo kooban, habeen iyo maalin aan ka badneyn.

Ugu dambeyn qoraalkaygan yaan loo qaadan inaan beel ama cid gaar ah uga jeedo,waayo waxaa dhici karta in maskaxda jiran/buktaa ay odhanayso markiiba waxaa loo jeedaa reer qansax, qoraaaguna waa reer qudhac, balse maskaxda fayoow ee bad-qabtaa way fahmi kartaa in qoraalkaygu yahay baraarujin iyo wax wada qabsi wakhtigan xaadirka ah, waayo far kaliya ahi fool ma dhaqdo ayay soomaalidu tiraahdaa, kama maarano beel, kamana maarano qoys, lama maarano garaad iyo siyaasi waa inaynu inagoo isku duuban masiirka shacabkeena hogaaminaa, nin baan maalin la sheekeystay wuxuu igu yidhi 'dhuloos isma xukumi karo maamulna ma sameysan karaan', waxaan ugu jawaabay taasi waa fikradda iyo propogaandada cadowgeenu sheegaane, laakiin let us aynu tijaabiyo inaynu maamul sameyn karno!.

Maxamed Jama –

Email; madaxgaal@hotmail.com

OG: Fikrada qoraalku xabaarsan yahay waamid ku kooban qoraha qoraalka!!!   ee ha u qaadan siyadada Webka Ceegaag Online............

 


webmaster@ceegaag.com