shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Iska hor Imaad Sababay dhimasha 4 Ruuxi iyo dhaawac 10 kale oo dhexmaray Ciidamada amaanka Garoowe iyo Maleeshiyaad deegaanka ah

(Garoowe,  August 16,  2010 Ceegaag Online)

Duleedka magaalada garoowe Maanta galinkii hore waxa ka dhacay iska horimaad xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac iska hor Imaadkaasi ayaa maanta waxa uu dhexmaray Ciidama amaanka magaalada garoowe iyo Maleeshiyaad ka sooo Jeeda gobolka Nugaal oo iyagu Ciidanka amaanka kala hor yimid iska hor imaad xoogan oo Mudo socday.
 
 
Dagaalkaasi ayaa ka dhashay kadib Markii Maamulka Puntland uu bixiyey dhul kuyaalay duleedka magaalada garoowe oo Maamulku dhulkaasi ku Wareejiyey dad ka soo barakacay koonfurta somalia taasin oo keentay inay muran xoogan ka dhaliso maamulka iyo dadkaasi sheegay dhulkaasi kuyaala magaalada Garoowe.
 
 
Iska Horimaadkaasi ayaa waxa ku dhinta ugu yaraan 4 Ruuxi waxana kaloo ku dhaawacmay ugu yaraan 10 kale oo kamid ah dhinacyadii maanta dagaalku ku dhexmaray duleedka magaalada garoowe oo kala ahaa Ciidamada amaanka iyo Maleeshiyaad deegaanka garoowe ka soo Jeeda..
 
 
Iska horimaadkaasi kadib magaalada garowe Waxa ka bilaabay kulamo looga hadlayo sidii Xiisadaasi loo dejin lahaa, isla markaana Maamulka iyo dhinacyada kale Wadahal isugu Imaan lahaayeen, waxana Isimada Waxgaradka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada garowe bilaabeen sidii xaaladaasi loo xakamayn lahaa...............................
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com

 


webmaster@ceegaag.com