shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha Shirkada telesom laascaanood oo Ceegaag.com uga Waramay khasaaraha dabkii ka bilaabay Dooxada gobolka Sool

(Laascaanood,  August 03,  2010 Ceegaag Online)

Warasiga Gudoomiyaha shirkada telesom ee Laasaanood C/risaaq Axmed Warsame(Dhabayaco) Dhagayso

Duleedka magaalada Laascaanood dhinaca Waqooyiga waxa ka bilaabay dab xoogan oo dhaliyey khasaare xoogan oo gabi ahaanba cagta mariyey Dooxadii halkaasi ku taalay oo ku Wanaagsan dhaqa shada Xoolaha iyo deegaanka guud ahaanba dhulka soolka ah, Waxan sidoo kale deegaankaasi ka baxa Geedka loo yaqaano dhidinka oo bixiya Xabagta, Xabagtaasi oo loo dhoofiyo Wadanka dibadiisa oo laga ganacsato.
 
Dabkaasi ayaana deegaankaasi ka holcayey saacado farabadan cagtana Mariyey dhul baaxad wayne oo kuyaala Dooxadaasi duleedka magaalada laascaanood, dabkaasi ayaana magaalada laascaanood waxa uga gurmaday shacabka gobolkaasi waxana kaalin Lixaad leh ka Qaadatay Shirkada Isgaadhsiinta Telesom oo kamid ah shirkada gobolkaasi ka Howl gala.
 
 
Ceegaag.com ayaan taleefoonka Magaalada laascaanood Kula Xidhiidhay Gudoomiyaha shirkada telesom ee Laasaanood C/risaaq Axmed Warsame(Dhabayaco) oo isagu hallaasi dabkaasi khasaaraha ka gaystay gaadhay, Ceegaag.com ayuuna C/risaaq uga War bixiyey khasaaraha soo gaadhay deegaankaasi Dooxada ee dabkaasi ka bilaamay.


 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com