shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Go'aamadii ka soo Baxay shirkii Xadhadhan oo Saxaafada loo akhriyey Maanta, Maxayse yihiin go'aamadaasi

(Buuhoodle,  August 07,  2010 Ceegaag Online)

 Go'aamadii Shirkii Xadhadhanka oo uu Saxaafada u akhrinayo Caaqil Axmed Saalax Maxamed Dhagayso

 

Kadib Markii Maalintii shalayto magaalada Xadhadhan shir balaadhan ku dhexmaray Isimo ka socda Bariga Burco iyo Isimada deegaanka Buuhoodle oo ay Wehelinayaan Qaarkamid ah Cuqaasha Culumada, iyo Waxgaradka Buuhoodle ayaa maanta waxa Saxaafada loo soo badhigay oo loo akhriyey go'aamadii shirkaasi lagu heshiiyey oo Warbaahinta loo akhriyey..

 

Ujeedo:  Baaq Nabadeed 

 

Heshiis Dhex maray Isimada ,Culumada, Cuqaasha iyo Waxgradka Deegaamada Buuhoodle iyo Salaadiiin, Culumada iyo Waxgarad ka socda Beelaha Bariga Burco oo shirk u yeeshay taariikhdu markay ahayd 06/08/2010 magaalada Xadhadhan  kagana wada hadleen Nabad galyada labad a Beelood iyo Gobolkaba , waxayna soo saareen qodobada hoos ku xusan :

 

1.      Iyada oo la tixraacayo Baaqii uu soo saaray Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomali Land Axmed Maxamed Maxamudud (Siilaanyo) ee ku wajahnaa nabadgalyada, waxaanu la qaadanay baaqaa nabadgalyada ee ku wajahan

Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

 

2.      Waxay Isimada, Cuqaasha,Culumada, iyo waxgaradka reer Buuhoodle waxay Balan qaadeen in ay sugayaan Nabadgalyada Deegaamada Buuoodle.

 

3.      Salaadiin, Cuqaasha, Culumada iyo Waxgaradka Beelaha Bariga Burco waxay  iyaguna dhinacooda balan qaadeen in ciidamada soomaliland ee ku sugan Deegaamada Widhwidh  iyo Balihadhac lagu celiyo Fadhiisimadoodii hore .

 

4.      Isimada, Cuqaasha, Culumad  iyo Wax Garadka Deegaamada Buuhoodle waxay mar labaad balan qaadeen in ay deegaamada widhwidh iyo Balihadhac  in aanay fadhiisimo u noqon doonin ciidamo lidi ku ah Somaali Land

 

5.      Waxay isla qaateen labada dhinac marka la sugo nabadgalyada in la isugu yimaado gogol nabadgalyo oo loo dhanyahay una dhaxaysa Beelaha Dhulbahante iyo Dawlada Soomaali Land.

 

Heshiiskan Waxaa labada dhinac u saxeexay :

 


 


webmaster@ceegaag.com