shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Go'aamadii ka Soo Baxay Shirkii Beesha Guuleed Garaad(Barkad) oo Maanta lagu Dhawaaqay

(Xamarlagu Xidh,  August 26,  2010 Ceegaag Online)

Midkamida Gudidii qabanqaabisay Shirka Ismaaciil Axmed Dhagayso

Kadib markii ay beeshu shir isugu timid taariikhdu markay ahayd 15-22/08/2010 kana soo qayb galeen Dhamaan wax garadka beesha sida Garaadka,,Cuqaasha,Ganacsatada,Aqoonyahanka,Culimada,Dhalinyarada,Haweenka iyo dhamaan qaybaha bulshada, ka gana tashanasey masiirkeeda beeleed waxay go,aan ku gaadhay qadobadan hoos ku qoran.

1 MIDNIMADA BEESHA
2 XORAYNTA DEEGANADA LA HAYSTO
3 TAYEYNTA & TIRADA CIIDMADA BEESHA.

 
 
 
1- MIDNIMADA BEESHA GUULLEED GARAAD

* Ilaalinta sharafta & karaamada beesha
* In laga hormariyo danta gaarka ta guud.
* Ka hortaga wixii keeni kara khilaaf iyo burbur beesha dhexdeeda ah.
* In gudiga shaqeeya ee 15 ka xubnood loo daayo shaqada beesha.
* In beeshu ka madax banaan tahay dhamaan siyaasadaha ka jira wadanka.
* In beeshu isugu timaado shir sanadkiiba mar.


2- XORAYNTA DEEGAAMADA LA HAYSTO

* Waxay beeshu isku raacday xoraynta deegaanada la haysto.
* Waxay beeshu go,aan ku gaadhay in lagu raadiyo nabadgelyo iyo wadahadal deegaanada laga haysto.
* Waxay beeshu go,aan ku gaadhay hadii laga bixi waayo deegaanada la haysto in xoog lagu xoreeyo.
* Waxay beeshu diyaar u tahay wax kasta oo keeni kara midnimada dhulbahante.



3- CIIDAMADA BEESHA

* Waxay go,aan satey xoojinta iyo tayeynta ciidamada beesha.
* Ciidamadaas oo loo igmaday ilaalinta deegaanada beesha .
* In loo xilsaaro gudiga nabadgelyada iyo xoraynta oo kaashanaya saraakiisha ciidamada.



Waxaa Saxiixay Go,aamadaasi Garaadka Beesha Guuleed Garaad(Barkad) Garaad Abshir Garaad Saalax.
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com