shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada Maraykanka  oo soo saartay wareegto lagu eedeenato afar iyo toban qofoo Soomaali ah  qabqabatayna labao kamid ah.

(Washington,  August 05,  2010 Ceegaag Online)

 Wasiirka Cadaalada ee marakanka Eric Holder   ayaa soo saaray wareegto lagu eedeenayo dad deganaan jiray  gobolada Minnesota, California and Alabama oo dhan ilaa afar iyo toban ruux ah oo lagu tuhun san yahay inay xidhiidh dhaw la’leeyihiin  ururka Al-shabaab ee la dagaalamaya Dawlada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu eedayn dusha uga tuuray dad haysta dhalashada maraykanka oo ka qayb qaadanaya dagaalada ay ururka Al-shabaab ka wadaan Koonfurrta Soomaaliya. Eedeemahan ayaa u muuqda inay ku fooraraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo horay  uga tagay Mareekanka kuna biiray Al-shabaab.

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com