shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalkii ka socday buurta Galgala oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Maamulka Puntland oo sii Xoogaystay, iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo sii kordhaya

(Boosaaso,  August 08,  2010 Ceegaag Online)

Gen. Ilko Jiir iyo Gen. Ali Shire

Dagaal Xoogan oo sababay dhimasho ayaa waxa uu saaka ka bilaamay Deegaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa halkaas oo mar kale dagaal xoogan saaka ku dhexmaray Ciidamada Maamulka Puntland iyo Xoogaga ka soo horjeeda dawlada Puntland ee ka dagaalamay buurtada galgala oo katirsan gobolkaasi barig gaar ahaan magaalada boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
 
Dagaalkani ayaa xiligan oo habeen ah Waxa uu wali ka soconayaa buuraha katirsan gobolkaasi bari gaar ahaan buurta galgala, dagaalkani maanta ayaa ah kii ugu xoogan badnaa oo soconayaa saacado farabadan oo dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Ciidamada uu hogaaminayo Wadaadka Sheekh Maxamed Siciid Atam oo markii labaad dagaalkani dhexmarayo.
 
Khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay ayaa sii xoogaysanaya Waxa hosbitaalka guud ee magaalada Boosaaso la geeyey dhaawacyo farabadan oo katirsan Ciidama maamulka Puntland waxan kaloo lagu soo waramayaa in laga dilay labo askari oo ciidanka Puntland katirsan, mana jiraan warar madaxbaan oo warkaasi xaqiijinaya.
 
Labada Dhinac ayaa kala qabsaday Maxabiis iyada oo dagaalku hada isu badalay Hab qabiil, lagana cabsi qabo inuu kusii fido Deegaano ka baxsan Gobolka Bari. Dhinaca kale Maamulka Puntland ayaa ku rajo wayn inay si dhaqso ah dagaalka usoo af jaraan inata uusan galaafan jiritaanka Maamulkooda.
 
www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com