shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cuqaasha Beesha Yaxye Cabdale oo ka Hadlay khilaafka kataagan Deegaanka Cusub iyo Gudoomiyaha gobolka Sool oo Halkaasi gaadhay(Maxaa laga Wadahadlay Warbixin Kooban)

(Goljano,  August 30,  2010 Ceegaag Online)

Waraysigii  Caaqil Aadan Cali AxdarDhagayso

Iyadoo Dhawaan inta u Dhaxaysa Degmada Ceegaag iyo Tuulada Yeyle laga hirgaliyey Deegaan Cusub oo Beesha yaxye Cabdale halkaasi ka Bilowday ayaa todobaadkani Waxa soo Baxay Muran ka taagan deegaankaasi Cusub Waxana kaloo halkaasi Booqday Gudoomiyaha Gobolka sool taliyaha Ciidanka booliska iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Maamulka somaliland ee gobolkaasi sool oo iyagu Warbaahinta ka sheegay inay joojiyeen Deegaankaasi kadib Khilaaf Halkaasi ka taagan Awgiis.
 
 
 Hadaba si aanu arimahaasi Wax uga ogaano ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com taleefoonka kula Xidhiidhay Caaqil adan Cali Axdar oo kamid ah Xubnaha golaha Cuqaasha ee Beesha Yaxye Cabdale oo haatan ku sugan Deegaanka Cusub ee Goljano, Ceegaag.com ayaana Waydiisay Caaqilka inuu faaf faahin ka Bixiyo sababaha keenay Joojinta deegaankaasi Cusub ee Goljano.
 
 
 Caaqilka ayaana Ceegaag.com u sheegay inuu Warkaasi yahay Warar been ah oo lagu daabacay Warbaahinta Waxana uu intaasi raaciyey inaanay beeshu gabi ahaantoodba joojinay Dhismaha iyo deegaamaynta Magaalada Galjano, isla markaana ay ka go,antahay inay Magaalo Halkaasi ka Dhisaan
 
 
 Waxana uuna Caaqilku intaasi Raaciyey inay jiraan dad yar oo Bariga naga Xigay inay Wadaan Qorshe ay doonayaan in lagu joojiyo deegaankaasi Cusub Waxana uu sheegay in Arimahaasi Maayarka iyo Gudoomiyaha gobolka sool dadkaasi u sheegay inay arimahaasi faraha kala Baxaan isla markaana Maamulka u dabo fariistaan.
 
 
 Shabakada Wararka Ceegaag,com ayaana Caaqilka Waydiisay Maxaa keenay in Beesha yaxye Cabdale labo deegaan kala degto oo deegaanka kale u Dhow yahay Degmada Hurufadh oo kaga beegan yahay Dhinaca Waqooyiga Qurulugud, Waraysigaasi oo dhamaystiran Ceegaag.com kaga bogo.
 
 
 
Cali Dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle.

webmaster@ceegaag.com