shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Caaqil C/laahi Xasan Qanbi oo Sharaxaad dheer ka bixiyey go'aamadii Xadhadhanka iyo shirkii halkaasi ka dhacay

(Buuhoodle,  August 08,  2010 Ceegaag Online)

Waraysi Caaqil C/laahi Xasan Qanbi  Dhagayso

Caaqil C/laahi Xasan Qanbi oo kamid ah Xubnaha golaha Cuqaasha buuhoodle lsla markaana ka Qayb galay shirkii Maalintii shalayto ka dhacay magaalada Xadhadhanka ayaa Ceegaag.com sharaxaad ka siiyey Qodo badan shirkaasi looga hadlay oo uu sheegay Caaqilki inay yihiin Kuwa hirgalaya.
 
Caaqil C/laahi Xasan Qanbi ayaa Ceegaag.com u sheegay inuu shir kani ka Duwanaa shirarakii hore ee lagu raadin jiray nabad waxa uuna sheegay inay dhinacooda buuhoodle hirgalinayaan go,aamadaasi oo ahaa kuwa laga gaadhay Guul, Waxana uuna ugu baaqay Caaqilku in loo baahan yaha in la Wada dhaqan galyo.
 
Caaqil C/laahi Xasan Qanbi ayaa sheegay inay haatan ka bilaamayaan deegaanka buuhoodle dhaqan galinta heshiiskaasi dhexmaray Isimada bariga burco iyo Isimada buuhoodle oo noqday mid rajo wayn laga Qabo in Ciidamada somaliland ka baxaan guud ahaan deegaanka buuhoodle gaar ahaan Degmada Widh Widh, Waraysigaasi oo dhamaystiran Ceegaag.com ka dhagayso.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
Email calidhagjar@hotmail.com
 


webmaster@ceegaag.com