shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Buuhoodle oo Siwayn looga dareemayo u Diyaar garowga Maalinta Ciidul Fidrida

(Buuhoodle,  September 07,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo lagu guda jiro labadii Maalmood ee ugu danbeeyey ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Muslimiinta adduunku siwayn Bisha Ramadaan u soo dhamaysteen ayaa dhinaca kale magaalada Buuhoodle Waxa haatan laga dareemayaa u diyaar garowga Maalinta Ciida oo lagu Wado inay Noqoto hadii ilaahay Idmo Khamiista ah, Waxan Guud ahaan magaalkada Buuhoodle laga dareemayaa u diyaar garowga iyo soo dhawaynta Maalinta Ciida oo dadku ugu jiraan soo dhawayn Xoogan.
 
Goobaha ganacsiga ayaa siwayn looga dareemayaa Maalinta Ciida Waxana inta badan gabi ahaanba mashqul ah goobaha lagu iibyo dharka iyo Qalabka Carruurta lag Ciyaarsiiyo Waxana safaf dhaadheer loogu jiraa sidii Qofkastaaba u Iibsan lahaa dharkii u ku Ciidilahaa, isla markaana Caruurtiisa u Ciid siin lahaa Maalinta Ciida oo siwayn looga dareemaya gabi ahaanba Deegaanka Buuhoodle.
 
Sidoo kale Waxa lagu sameeyey dib u habayn goobaha dadku isugu yimaado iyo goobaha Cunta lagu kado oo aad u arkayso in dib u habayn lagu sameeyey Waxan dadka Wajiyadooda ka Muuqata Farxada Maalinta Ciida oo Saacado kooban naga Xigto hadii ilaahay Idmo, dhinaca kale degmooyinka Tuulooyinka ayaa laga dareemayaa Maalinta Ciida Gaadiid badan oo Wado Badeecooyin kala Duwan ayaana ku sii jeeda degmooyinka iyo Tuulooyinka.


 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
 

webmaster@ceegaag.com