shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Booliska Magaalada Burco oo Bilaabay Hawl gal Xoogan oo lagu sugayo Amaanka Magaaladaasi

(Burco,  August 18,  2010 Ceegaag Online)

Wararka maanta naga soo gaadhay magaalada Burco ee Xarunta gobolkaasi togdheer ayaa ku soo Waramaya in Ciidamada Booliska magaalada Burco baadhitaan Xoogan oo lagu adkaynayo Amaanka Guud ee magaalada Burco oo laga shakiyey inay soo galeen kooxo Doonaya inay amaanka gobolkaasi Khal khal galiyaan.
 
 
Hogaanka Ciidanka Booliska Magaalada Burco oo la hadlay  Cabdiraxmaan Axmed Liibaan (Cabdiraxmaan Fooxle), hawlgalkaas waxa ka qaybqaatay boqolaal ka tirsan ciidanka oo iyagu doonaya inay Baadhitaan ka sameeyaan goobaha laga shakiyey  isla markaana Ciidamada ay baadhitaankaasi sii wadi doonaa.
 
 
Hogaanka Ciidanka booliska ee Burco ayaa sheegay inay magaalada burco soo gali karaan hogaamiya Shiikh atam oo isaga looga awood roonaaday dagaalkii ka dhacay deegaanka galgal oo dhexmaray Ciidankiisa iyo Ciimada Maamulka puntland gobolkaasi bari oo sababay Dhimasho iyo dhaawac farabadan.
 
 
Cali Osman Yuusuf
Ceegaag.com
Buuhoodle

 


webmaster@ceegaag.com