shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha Guuleed Garaad (Barkad) oo shir balaadhan ku qabsatay Magaalada Xamar Laguxidh.

(Xamar Laguxidh,  August 22,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo Maalmahani magaalada Xamar lagu xidh oo dhinaca Buuhoodle kaga beegan 35 KM uu Magaaladaasi shir uga socday Beesha Guuleed Garaad (Barkad) ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com Booshaqo Hal Maalin ahi ku tagtay Magaalada Xamar lagu Xidh oo halkaasi Shir Balaadhan uga Socdo Guud ahaan Beesha Guuleed Garaad ( Barkad), Shirkaasi oo ay ka soo Qayb galeen Ergooyin ka kala socday dhamaan Deegaanada ay Beesha Guuleed Garaad Barkad ay Degaan.

Waxana Shirkaasi ka Qayb galay Cuqaasha, Ganacsatada, Siyaasiiyiinta iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland oo iyagu ka soo Jeeda Beesha Guuleed Garaad (Barkad) Waxaana shirkaasi ka socda Magaalada Xamar lagu Xidh ka Qayb galaya, Dhamaan dadka magac ku leh Beesha Dhexdeeda oo iyagu shirkaasi Iclaamiyey in laysugu Yimaado Magaalada xamar lagu Xidh.

Muhiimada shirkaasi loo Qaybatay ayaa ah in ugu horayn Guud ahaan Beesha Guuleed Garaad (Barkad) Isugu Yimaadaan Sidii ay uga hadli lahaayeen Xaalada haatan ka taagan Degmada Widh Widh iyo deegaanada ku xeeran oo ay Ciidamado Maamulka Somaliland ah degmadaasi ku sugan Yihiin, iyagoo Beesha Barkad isla Qaatay in Wada hadal lala galo Maamulka Somaliland sidii Ciidamadaasi uga Bixi lahaayeen magaalada Widh Widh iyo Deeganaada kale oo beeshu degto.

Garaad Abshir Garaad Saalax oo Ceegaag.com Waraysi khaas ah siinayey ayaa sheegay in gabi ahaanba Beelaha SSC Ka Waayeen Wax gacan ah isla markaan Beeshu Go,aan satay inay Wadahal toos ah la galaan Maamulka Somaliland Qaab Nabadeed ah ugala hadlaan Xaalada Degmada Widh Widh iyo Balihadhac oo Ciidamadaasi haatan ku sugan yihiin.
 
Kala soco wareysiga Garaad Abshi Saalax wararkeena dambe 

Cali Dhagjar
Xamar lagu Xidh

webmaster@ceegaag.com