shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xuska maalinta malaariyada Aduunka oo laga xusay gobolka Sool.

(Laascaanod,  April 25,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa maanta Hoolka jaamacadda Nugaal ee magaalada laascaanood lagu Qabtay xaflad balaadhan oo lagu xusayey maalinta Duumada aduunka oo maanta si weyn loga xusayo guud ahaan aduunka oo idil waxaana xaflad si weyn loo agaasimay lagu Qabtay hoolka shirarka jaamacadda Nugaal.

Waxaana xafladaas kasoo qayb galay saraakiisha caafimaadka gobolka sool oo ay ugu horeyso Ugaaso xasan cali oo ah madaxa  Hayada Caafimaadka aduunka WHO ee gobolka sool, madaxa bisha cas ee gobolka sool axmed daakir,maayarka degmada Laascaanood iyo masuuliyiin ka socotay Nugaal University, dadweyne aad u fara badan oo xafladaas lagu casumay iyana.

Muhiimada kulankaas ayaa waxaa uu ku saabsanaa wacyigelinta iyo sidii looga hortagi lahaa Cudurka duumada oo fara ba'an ku Haya dhamaan qaarada Afrika siiba dhulka soomalidu ay degto, waxana kulanka lagu lafa guray qaabka ugu haboon ee la isaga Kaashan karo sidii Cudurkaas loo xakamayn lahaa Nadaafada gobolkana looga wada shaqayn lahaa loogana hortagi lahaa Waxyaabaha keena Cudurkaas Duumada,

Ugu danbayntii kasoo qayb galayaasha xafladaas ayaa isla qaatay in Cudurka duumada meel looga soo wada jeesto fiditaankiisa Iyo Xakamayntiisa Bulshadana laga wacyi geliyo waxyaabaha keena Cudurkaas oo sanadkasta ku dilaya qaarada afrika caruur Aad u fara badan....

Cali Dhagjar

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com