shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xiisad Colaadeed oo kataagan deegaanka Cagaare iyo waxgaradka labada dhinac oo gaadhay halkaas.

(Cagaare,  April 11,  2010 Ceegaag Online)

Wararka maanta naga soo gaadhaya Deegaanka Cagaare oo katirsan gobolkaasi sool ayaa ku soo Waramaya in Deegaankaasi Xiisad Colaadeed kataagan tahay ayna jiraan Hub uruursi xoogan oo ay Wadaa labadii dhinaca ee deegaanka Cagaare dhawaan ku dagaalamay sida uu Maanta Ceegaag.com u sheegeen Qaarkamid ah Waxgaradka labada dhinaca oo iyagu ku mashquulsan sidii Xiisadaadi loo Qaboojin lahaa.

Dhinaca kale Waxaa deegaanka Cagaare ku sii Qul Qulaya Waxgaradka ka kala socda laba dhinac oo iyagu ku muransan dhuldaaqsimeed deegaankaasi kuyaala, magaalada garoowe waxaa ka anba baxay Isimo iyo Waxgarad ka soo kala Jeeda Beelaha gobolada Sool iyo Mudug oo iyagu Dhacdadaasi dadaal xoogan ugu jira inaanay mar kale Colaadaasi labada Beelood aanay soo laaban, sidoo kale beelaha gobolka mudug ayaa siidaayey saddex nin oo ay Qabteen cafisna u fidiyey ragaasi oo la waayey meel ay kunool yihiin keentayna Xiisada Colaadeed

Sidoo kale Qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ugu baaqay inay joojiyaan labada beeleed dagaalka haatan markale ka soo Cusboonaaday deegaanka cagaare waxaana shabadaka Ceegaag.com soo gaadhaya baaqyo badan oo ka imaanaya Qaybaha kala duwan ee bulshada jecel nabad oo ugu baaqay dhalinyrada hubaysan in joojiyaan xabada.

Cali dhagjar
Garoowe

webmaster@ceegaag.com