shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Heestii Baladxaawo ee Sideetamaadkii ee Binti Cumar Gacal

Dhagayso

Barbaarka yarkaan ka eegtay
yarkii  isha iigu baaqay
wiilkii caashaqan aan beernee
aniga boob boob ku raacay

aniga balad xaawo joogo
haduu bari iiga yeeray
kolkaan boosaaso gaaray
muxuu burco iiga heesay

inoo beer sii maraayo
haduu badda doon ka raacay
inuu been ila jilaayee
adaa boqorow ogaaye
i bixiyoo  iga badbaadi

hadaan bogsadoon ak reysto
 sidaa uga boodo caashaq
jaceylba hadaan u booyo
hadaan nin dambaba
u baroorto
 hadaan baxsanow iraahdo
balaayaba ha iga raacdo

 

Jawaabtii Beledxaawo ee Cabdinuur Allaale

Dhagayso

Jacaylkii wuxuu ba'naaday
Markaad baahidiinii badiseen
Bilaneey  huunooy baxsaneey
Baradii idinkaa ka baydhay
Markaan burco kaaga heesay
jaceylkii aan ku baaqay
Balinkii aan ku beegay
Alaylehe maad bilneyneee

Waalidkaa oon ku bixinin
Baloolay inan Ciyaarno
oon waliba boga kuu salaaxo
Boqorkeenu muu banaynee
Adkayso adaa u badheedhee

hadaad bogsateen haweenoo
ragii wuxuu baadi goobaa
intii aad halyeey bireyseen
boodharigaad boqonta gooseen
kuwii aad barihii ka saarteen
bintiyeey miyaad ilowday

Bintiyeey birisamaadkii
hablihii bilicdoodu buuxday
duuleed lagu waabariistiyo
wax beylaha lama arkeyne
Berbera anigoo dhex jooga`
Maxaa bur saciid ku geeyey
jaceylkeeni aad burburisay iyo
baxnaanadi aad xumeyseen


Waxaa basanbaas ku keenay
baroortuna ay ka yeedhay
bintiyeey waa dibad baxiiniiye
taladi waa lidkaa ka boodaye
ma maantey kula ba’naatay

hadaad bogsateen haweenoo
ragii wuxuu baadi goobaa
intii aad halyeey bireyseen
kuwaad bacmadow u dhiibteen
weliba booliskowgu yeedheen
Abaayo miyaad ilowday bintiyey miyaad ilowday.

 

 

 

 

  

webmaster@ceegaag.com

 

Jawaabtii Saado Cali ugu jawaabtay  Cabdinuur Allaale

  Dhagayso

Gartaadii waxay bashiishay
waxay bulshadii la yaabtay
sal iyo baar waxaan laheynoo
bad iyo ceel kaaga dhacay

Baxsanow C.nuur alaaloow
waxaad baratoo taqaan
hadey baaskaa ahaatay
bariiqatay xaajadaadau


adigaa dembigaa bilaabay
maxaad u badbaadin weyday
 hablihi baalkaa jireen
hadii boowe aadan baran
sidee uga bogan kartaa

Hadii bixisidi ku qaaday
hablihi buufis kaaga dhacay
dhamaan baadi kula noqdeen
inaad sharaftooda buriso
banaanada kula wareegto
billaahi ma xaal gobeedbaa?

muxuu  basar kaa xumaaday
markaad dhaqankii ka beedhay
barbaariso hooyadaa iyo
gabdhihi waa beylah tir

hadaan sharci kuu baneynin
balooleey in aad cayaarto
bogeedana aad salaaxdo
kitaabkeebaa ka baadhay

waxaad beryo heeso qaaday
waxaad buun yeerineysay
ileyn been bay aheyde
balaayo kalaad jileysay
bustaalow kalaad aheyde


Hadii bixisidi ku qaaday
hablihi buufis kaaga dhacay
dhamaan baadi kula noqdeen
inaad sharaftooda buriso
banaanada kula wareegto
billaahi ma xaal gobeedbaa