shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dil xalay magaalada Boosaaso ka dhacay iyo amaanka gobolaasi oo noqday Tusbax afka laga furay

(Boosaaso,  April 17,  2010 Ceegaag Online)

Faah faahin dheeraad ah ayaa maanta ka soo baxaysa Muwaadin ka soo Jeeda deegaanada SSC oo habeenimadii xalayto lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi Bari, Ceegaag.com ayaa maanta taleefoonka magaalada boosaaso kula Xidhiidhay Qaarkamid ah ganacsatada ka soo Jeeda SSC oo iyagu magaalada Boosaaso ku leh ganacsi.


Ceegaag.com ayaa Waydiisay sabaha keenay dilka Cabdi Maxamed Faarax oo xalay lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso waxna mid kamid ah ganacsatada oo diiday in magaciisa saxaafada laga shaaciyo u sheegay Ceegaag.com in nin hubaysan doonayey inuu khaarajiyo nin kale oo xiligaasi ku sugnaa bartamaha magaalada Boosaaso, kadibna rasaas ku furay isagoo istimaalaya baastoolada uu ganacta ku Waday, Waxana kadib dhacay in Ciidama amaanka magaalada Boosaaso halkaasi soo gaadhaan kadibna rasaas xoogani halkaasi ka fureen taasi oo keentay in Marxuunku halkaasi ku dhinto.

Guud ahaanba amaanka magaalada Boosaaso ayaa noqday todobaadka mid aad looga darinayo waxana Ciidama amaanka magaalada Boosaaso ku mashquulsan yihiin sugida amaanka magaalada oo noqday tusbax afka laga furay, oo habeenkasta lagu dilo Qaarkamid ah shacabka magaalada boosaaso.


Ali dhagjar
Ceegaag.com
 

webmaster@ceegaag.com