shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wadooyinka magaalada Boosaaso oo lagu aasay Miinooyinka iyo waxyaabaha Qarxa iyo Ciidamada booliska oo ku guulaystay inay banaanka soo dhigaan.

(Boosaaso,  April 20,  2010 Ceegaag Online)

Ciidama amaanka magaalada Boosaaso ayaa maanta fashiliyey Qaraxmiino oo lagu aasay Qaarkamid ah Wadooyinka magaalada boosaaso gaar ahaan wadooyinka ay adeegsadaan Qaarkamid ah Xubnaha dawlada iyo saraakiish amaanka magaalada boosaaso oo la dhigay Wado marta bartamaha magaalada Boosaaso.

Ciidamada booliska ee puntland ayaa maanta soo saaray waxyaabaha qarxa oo lagu aasay waddo halbawle u ah magaalada Bossaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ka dib markii uu qof shacab la xiriiray ciidamada booliska kaasi oo arkayey markii walxahan la aasayey kadiba wacay laamaha amaanka magaalada boosaaso, oo iyagu halkaasi markiiba soo gaadhay.

Wasiirka Aminga puntland Yuusuf Axmed Kheyr oo saxafiyiinta magaalada Boosaaso kula hadlaya ayaa sheegay in mid kamid ah shacabka magaalada boosaaso ku wargaliyey laamaha amaanka in Waxyaabaha Qarxa lagu aasay wada, kadibna halkaasi boolisku gaadheen soona saareen waxyaabihii lagu aasay wadooyinka Qaarkood oo la doonayey in lagu khaarajiyo shacabka iyo Qaarkamid ah Madaxda puntland.

Cali Dhagjar

Garoowe

webmaster@ceegaag.com