shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Buurawadal oo dhamaaday maxaa uu ku dhamaaday? maxaase ka soo baxay Warbixin kooban

(Cagaare,  April 11,  2010 Ceegaag Online)

In mudo ah Waxaa magaalada Buurawadal oo magaalada garoowe dhinaca Waqooyiga kaga beegan shir uga socday Isimada SSC Shirkaasi oo intii uu socday lagu soo xulay xubaha golaha khusuusiga oo Isimadu ka soo Xuleen beelaha ay ka soo Jeedaan oo lagu dhaariyey madasha magaalada buurawal.



 Maxaa la kulmay intii shirku uu magaalada buurawadal ka socday oo caqabadaha oo shirkaasi hakiyey?



Shirkaasi ayaa intii uu magaalada buurawadal ka socday Waxaa ka hor yimid Caqabado Waxaana kamid ahaa in Garaad C/laahi garaad soofe oo ah garaadka Guud ee Beesha axmed garaad ay kalsoonidii kala laabteen kadib markii garaadka khilaaf soo kala dhex galay Qaarkamid ah Isimada magaalada buurawal xiligaasi ku sugnaa, taasina Waxay keentay in gabi ahaan shirku uu yaraado kalsoonidii laga Qabay waxna kaloo kalsoonida shirkaasi kala laabtay dhamaan Cuqaasha Beesha axmed garaad oo iyagu dib ugu laabtay magaalada buuhoodle.



Sidoo kale Waxaa shirkaasi ka baxay Qaarkamid ah Isimada ssc oo ay kamid yihiin garaad saleenbaan buraale suldaan siciid cismaan cali iyo garaad mashqare oo aan dib ugu laaban magaalada buurawal, waxna kaloo shirkaasi aan iyana gogosha aan lagu arag garaad C/salaan iyo Xubno kamid ah Isimada Qaarkood oo Diiday in magacooda saxaafada laga shaaciyo.



          Maxaa hadaba ka soo Baxay shirka Buurawal oo lagu soo Xidhay   
                            magaalada   buurawal?

 Ceegaag.com ayaa booqasho gaaban ku tagtay magaalada buurawal waxa aana isku dayey inaan ogaado waxyaabaha dhabta ah ee ka soo baxay shirkii buurawal Qaarkamid ah isimada ayaa Ceegaag.com u sheegay in shirku dhamaaday wax aana waydiiyey inay faah faahin ka bixiyaan waxyaabaha shirkaasi ka soo baxay? Mid kamid ah Isimada ayaa Ceegaag.com u sheegay inay shirkaasi lagu soo Xidhay in deegaanada SSC Laga aruuriyo Ciidamo lagu soo Celinayo gacanta gobolkaasi sool oo in mudo ah Ciidamada somaliland gacanta kuhayeen, wax kaloo aan waydiiyey inay jiraan waxyaaba kale oo shirkaasi ka soo baxay wax uuna ii sheegay inaanay jirin.




Ugu danbaytii su,aasha lays waydiinayaa ayaa Waxay tahay sidee Ciidan looga Helayaan bulshada dhexdeeda xili Isimada khilaaf xoogan ku kala dhex jiro shirka buurawadalna guul u gaadhi karaan Mise ka duwan yahay shirarkii hore?

Waxaa inta badan la oghaya in Isimada Khilaaf xoogan ku kala dhexjiro khilaaf kaasi oo haatab gaadhay meeshii ugu saraysay kadib markii Qaarkamid ah isimadu dhaar ku mareen inaanay dib ugu laaban magaalada buurawal, inta badan Isimaduna Heshiis la galeen dhinaca dawlada puntland oo iyadu balan Qaaday inay Laascaanood dib gacanteeda ugu soo Celinayaan,  shirkani kama duwan shirarkii hore sidaasi Waxaa hoosta ka xariiqay Qaarkamid ah dadka la socday arimaha siyaasada ssc oo sheegay inaanu shirkani wax wayn soo kordhin dooni sababtoo ah iyadoo isimada laf ahaantoodu khilaaf xoogani ku kala dhexjiro iyo Hogaanka laf ahaantiisa oo Beesha Qaarkood ka biyo Diid san yihiin


Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buurawal
 

webmaster@ceegaag.com