shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shil baabuur oo sababay dhimashada 5 ruuxi iyo dhaawac 7 kale oo ka dhacay magaalada Qartdho duleedkeeda

(Qardho,  April 08,  2010 Ceegaag Online)

Duleedka magaalada Qardho ee Xarunta gobolkaasi Karkaar gaar ahaan inta u dhaxaysa tuulada yaka,yaka ayaa saaka subaxnimadii hore wax ka dhacay Shil baabuur oo ahaa shilkii ugu dhimashada iyo dhaawac badnaa ee ka dhacay inta la og yahay deegaanada puntland in mudo ah oo saaka duleedka magaalada Qardho ka dhacay.

Waxaa isbitalka weyn ee magaalada qardho la soogaarsiiyay saaka dad kor u dhaafaya 13 Ruuxi oo 5 kamid ahi dhinteen halka Qaar kale lagu Wado gar gaar deg deg ah sida uu maanta Ceegaag.com u sheegay Agaasimaha Isbitaala Guud ee magaalada Qardho oo aan taleefoonka magaaladaasi aan ku Helay.


Gaadhigani dadka farabadani ku dhintee ayaa saaka ka baxay magaalada Garoowe waxna wadada isku heleen gaari xamuul ah oo ka tagay magaalad Boosaaso oo ku soo Jeeday gobolada dhexe ee somalia, kadiba waxa isku dhacay laba gaadhi taasi oo sababtay dhimashada iyo dhaawac faraha badan ee labadaasi gaadhi ka dhashay.

Magaalada Qardho ayaana maanta lagu Asay dhamaan dadkii ku dhintay shilkaasi gaadhi oo loo sameeyey aas ay ka soo Qayb galeen dhamaan laamaha bulshada Reer Qardho, shilalka Wadooyinka ayaa todobaadkani ku soo kordhay mandaqada waxna sabab looga dhigayaa arimahani Wadayaasha gawaadhida oo aan lahayn khibradii darawalnimada.


Ali dhagjar
Ceegaag.com
Garoowe

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com