shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saxafiyiinta Gobolada SSC oo Maanta Shir ku Yeeshay Magaalada Laascaanood

(Laascaanod,  April 27,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa maanta magaalada laascaanood kulan balaadhan ku yeesha dhamaan saxafiyiinta ka howl gala gobolada SSC Kulankaasi saxafiyiinta ahaa maanta ahaa mid muhiim ah, ahaa kii ugu horeeyey ee saxafiiyiinta goboladaasi maanta isku arkaan.

Kulankaasi ayaa maanta waxaa looga hadlayey qaabkii loo dhisilahaa dallad ay ku midaysan yihiin dhamaan saxafiyiinta goboladaasi oo maanta kulankaasi looga dooday kulankaasi Waxaana lagu balamay in sida ugu dhakhsaha badan loo sameeyo dalab ku midaysan yihiin dhamaan gobolada SSC. oo aanay horay u jirin dallad saxafiiynta SSC , ama hogaan ay leeyihiin oo dhamaan goboladaasi ku midaysan yihiin.

Kulanka saxafiyiinta ayaa Maanta Waxaa kaloo looga hadlay kulan magaalada hargaysa ku dhexmaray saxafiiynta somalilnd iyo Wasiirka warfaaftinta somaliland iyo ha,yada horumariya saxafiyiinta, Waxaana wariyaasha gobolaasi maanta sheegeen inaanay waxba kala socon kulankaasi iyagooba baaq u diray dhamaan ha,yada daneeya warbaahinta somalia, iyagoona sheegay inay ku dulman yihiin goboladaasi helina Kaalinta saxafiinta caalamka iyo tababarada loo fidiyo saxafiyiinta kalae.

ugu danbaytiin Waxay intaasi raaiyeen inaanay Maanta kala bilaabo iyagoo ka howlgala goboladaasi u soo Jeesanayaa inay la Xisaabtamidoonaa Cid kastoo saxafiyinta goboladaasi dulmiday, dhisanayana dallad ay ku midaysan yihiin dhamaan goboladaasi oo ah gobolo kala talaabsaday dhinaca Warbaahinta oo aan helin horumarka saxafiyiinta kale ay ka heleen ha,yada daneeya warbaahinta somalia.

Cali Dhagjar

Laascaanod

webmaster@ceegaag.com