shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roobab mahiigaan ah oo ka Curtay Gobolada SSC iyo nawaaxiga hawdka Buuhoodle.

(Gobolada SSC,  April 21,  2010 Ceegaag Online)

Roobabkii guga ee Sanadka ayaa habeenimadii xalayto ilaa maanta siwayn uga da,ayey guud ahaanba gobolada somalia gaar ahaan gobolada SSC,oo xalay roobab mahiigaan ahi ku hooreen, xili goboladaasi abaaro iyo biyo la,aan badani ay soo mareen.

Magaalada Buuhoodle ayaa wararka maanta naga soo gaadhay ku soo waramayaa in Roobab xoogan magaaladaasi siwayn u maasheeyeen oo guud ahaan baraagaha iyo Ceelasha biyaha raxmaadku buux dhaafiyey dadka iyo duunyaduba aad ugu diirsadeen, magaalada laascaanood iyo deegaano badan oo Hoos yimaada ayaa raxmaadku xalay ku dhuftay cagta laguna diirsaday, intastoo magaalada garoowe xalay lagu sigtay kadib markii roobab mahiigaan ahi magaalada ku hooreen taasi oo keentay in guud ahaan koronta garoowe la jaro.

Waxana kaloo roobabka maanta laga soo sheegayaa Guud ahaanba Hawdka sare ee Buuhoodle oo raxmaadku xalay siwayn ugu hooray Waxaana kamid ah magaalooyinka roobku helay.

Magaalada Qararo yar
magaalada Dandan
magaalada xamar lagu Xidh
magaalada aangalo
magaalada Heegaale
tuulada laanmaslay
magaalada Qudhac dhalaan

Dhinaca kale Roobabkani ayaa fatahaado ka gaystay degmada Hurufadhi kadib markii baliga magaalada ku dhexyaala uu buux dhaafsamay taasi oo keentay in biyo badani gudaha u soo galaan suuqyada magaalada hurufadhi, degmooyinka Ceegaag Widh Widh ayaa lagu soo waramayaa in Guud ahaan xareedo Wadhan tahay, intastoo degmada Ceegaag Roobabku ku yar yihiin, sida uu Ceegaag.com u sheegay Gudoomiyaha degmadaasi C/ Xaaji Cali Cilmi oo taleefoonka Ceegaag iigu waramayey.

Cabdi Xaaji Cali (C/riigle)  ayaa Ceegaag.com u sheegay in Guud ahaa nawaaxiga Degmada Ceegaag roobab mahiigaan ahi ku dhaceen xareeduna ay Wadhan tahay Deegaano Ceegaag hoos yimaado, dadka iyo duunyaduba ku Diirsadeen

Cali Dhagjar

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com