shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roobab lixaad leh oo ka da'ay Degmada Ceegaag, iyo Gobolka Sool, Buuhoodlena u geystay fatahaado..

(Gobolada SSC,  April 25,  2010 Ceegaag Online)

Gudoomiyaha degmada Ceegaag Cabdi Xaaji Cali Cilmi oo saaka qadka taleefoonka degmada ceegaag ugu waramayey shabakada wararka ceegaag.com ayaa  sheegay in roobab lixaad leh oo 10 saacadood oo si isdaba joog ah ugu da'ayey guud ahaanba degaankaas ceegaag.

Gudoomiyaha Ceegaag ayaa sidoo kale noo sheegay in deegaanada hoos yimaada Degmada ceegaag ay gabi ahaantoodba ay buux dhaafeen sida baraagaha, ceelasha biyaha, baliyada iyo goobaha kale oo biyo fariisadka ah.

sidoo kale wararka naga soo gaaraya magaalada buuhoodle ayaa ku soo waramaya in roobab fataahado gaystay ay gobolkaas ka da'een ka dib markii mawjado biyo ah ay kusoo rogmadeen xaafadaha dhinaca waqooyiga buuhoodle biyahaas oo ka soo rogmaday baliga shangalle, waxaana taasi ay keentay inay xaafado badan ay biyuhu galaan,

Guud ahaanba deegaanada hawdka buuhoodle ayaa iyana dhankooda lagasoo sheegayaa in ay heleen roobab mahiigaan ah waxaana gabi ahaanba buux dhaafay degmooyinka,tuulooyinka iyo deegaanada miyiga oo iyana laga soo sheegayo inay roobab lixaad leh ay heleen.

Isku soo wada duub oo guud ahaanba Gobolada sool,sanaag iyo cayn-(SSC) waxaa dhamaantood ka wada curtay roobabkii guga ee sanadkan mana jiraan meel raxmada ilaahay ay ka madhan tahay ee deegaanadaas aan soo xusnay...

Dhinaca kale Guud ahaanba gobolka sool ayaa saaka waaberigii waxaa ka curtay roobab mahiigaan ah roobabkaas oo deegaanada qaarkood ka da’ayey saacado farabadan  oo xidhay inta badan ganacsiga iyo isu socodka magaalooyinka gobolka sool waxaana wararka naga soo gaadhaya degmooyinka gobolka sool ay sheegayaan iyana inay ka da’ayeen roobab xoogag leh iyo tuulooyinka hoos yimaadaba,

Waxaana hada soo baxaya warar sheegaya in tuulada Karin dabeylweyn  nawaaxigeeda oo dhinaca koonfureed kaga aadan magaalada laascaanood uu danab ku dhacay isla markaan uu halkaas ku dilay hal qof mid kalena uu ku dhaawacay,

Dhinaca kalena waxaa iyana jirta danab ku dhacay magaalada laascaanood gaar ahaan shirkada korontada magaalada ee marka magaceeda lasoo gaabiyo LESCO in kastoo uusan khasaare buuran u gaysan shirkadaas, isla magaalada waxaa kusoo rogmaday daadad fara badan oo ka dhashay raxamaadkaas guga ah ee maanta si rasmi ah uga curtay guud ahaan gobolka sool iyo nawaaxigiisa.

Ugu danbaytii raxmaadka sanadka ayaa guud6 ahaabna dadka iyo duunyaduba aad ugu diirsadeen, waxaana roobabkani gobolkani ka curteen xili abaaro iyo biyo la,aani kataagnayd nawaaxiga gobolka sool oo dhan. 

Cali dhagjar
Ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com