shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Olole nadaafadeed oo ka bilaabmay buuhoodle.

(Buuhoodle,  April 26,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa maanta magaalada buuhoodle ka bilaabay olole nadaafadeed ururka dhalinyarada ee SYDO ee saldhigiisu yahay magaalada buuhoodle, waxana ololahaas nadaafadeed ururkaasi sameeyeen kadib markii xaafadaha iyo wadooyinka magaalada ay buux dhaafsheen biyo aad u fara badan oo ka dhashay roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ayey magaaladaasi,

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee SYDO Khader cali cawil ayaa u sheegay ceegaag.com kadib markii ay arkeen nadaafad darada ay u keeneen biyahaasi magaalada ololahaas nadaafadeed oo ay ka bilaabeen magaalada kuna guuleysteen inay nadiifiyaan dhamaan magaalada oo idil.

Maaha markii ugu horeysay oo ay ururkani dhalinyarada ah ee sydo organization ay ka fuliyaan olole nadaafadeed gudaha magaalada buuhoodle, waxana kaloo aya dayactir ku sameeyeen cusbitaalka guud ee buuhoodle iyagoona waxbarasho bilaash ah u dhiga qaar kamid ah dadka kasoo barakacay  koonfurta soomaaliya, ee iyagu aan helin fursado wax barasho sida uu noo sheegay xoghayaha ururkaasi Maxamed Cabdiqadir Axmed waxana uu intaas raaciyey inay sii wadi doonaan howlaha bulshada ay u qabtaan….

 Cali Dhagjar

Laascaanod

webmaster@ceegaag.com