shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nadwo ka socotay Misaajidka garowe oo la soo gabo gabeeyey( Maxaa looga hadlayey maxaase ka soo baxay)

(Garoowe,  April 22,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Garoowe ayaa lagu soo Gabo gabeeyey Nawdo ka socotay misaajida magaalada Garoowe gaar ahaan Misaajidka Alhudaa ee kuyaala bartamaha magaalada Garoowe. Nadwadan waxaa ka soo qayb galay dhamaan Culumada diinta ee gobolada Soomaaliya oo qaarkood ka kala yimid wadanka dibadiisa iyo gudihiisa, waxaana kaloo nadwadaasi ka soo qayb galay Isimo aqoonyahiin, siyaasiyiin iyo xubno ka socda golaha Wasiirada dawlada Puntland oo misaajidkaasi nadwada ka socotay siwayn uga soo qayb galay, nadwadaasi ayaa waxaa soo jeedinayey culumada kala ah.
 
Sh Cali Warsame
Sh  Maxamed Idiris
Sh C/naasi Xaaji axmed
Sh Cabdi fataax Nuur
Dr C/rashiid salaad
Sh Axmed Maxamed Saleebaan
Sh Axmed cabdi samad
 
 
Nadwadaasi ayaa looga hadlaya Xaalada haatan ka taagan Soomaaliya iyo Dhibaatooyinka haysta dalalka Muslimiinta ah Qaarkood waxaana sidoo kala lagu soo Qaaday nadwadaasi taariikhda Diinta Islamka iyo dadaalka dheer ee loo soo maray diinta islaamka oo maanta gaadhay halkii ugu saraysay caalamka.
 
Dhinaca kale Waxaa nadwadaasi ayaa intii ay socotay lagu soo Qaaday dagaalka ka soconaya magaalada muqdisho ee u dhaxeeya kooxaha iska soo horjeeda ee sheegtay magacyada kala duwan, Culumada ayaa dagaalkaasi ku tilmaaya mid ah Fidmo ah oo lagu galayo Cadaab ilaahay hortiina looga fogaano.
 

Culumada ayaa soo Qaaday intii nadwadaasi ka socta Jihaadka ay sheegtaa kooxaha muqdisho ku dagaalamay waxaana lagu tilmaaya Qofii katirsan kooxahaasi ee dagaaladaasi ku dhintay inuu galayo Naar iyo cadaab ilaahay hortiina ka fogaanayo isagoo aanay banaanay inuu Qof Muslin ah isku qarxiyo, ama uu dagaal kala horimaado waxaana loogu baaqay kooxahaasi inay joojiyaan dagaalka iyo barakacay ka soconaya magaala muqdisho.
 
 
Waxaa lagu soo Qaaday Nadwadaasi kaalinta burcadbadeedka iyo Ciidama jooga biyaha somalia waxna loogu baaqay kooxahaasi inay joojiyaan dagaalka ay ku wadaan maraakibta ganacsiga, waxna kaloo loogu baaqay Ciidama jooga biyaha somalia inay joojiyaan inay jilaabtaa khayraadka somalia si sharci daro ah, Intii nadwadaasi ka socotay magaalada garowe ayaa Idaacadaha ka howlgala garowe si toos ah ugu baahinayeen guud ahaanba gobolada kale ee somalia.
 
Ugu danbaytii Misaajidka Wayn ee alhuda ayaa intii nadwadaasi socotay Waxaa amaankiisa sugayey Ciidama amaanka magalaada garoowe oo la soo dhoobay Wadooyinka gala misaajidka alhuda, iyadoo baadhitaan xoogan ku Waday dadka gala misaajidka iyo Kuwa ka baxayaba.


 
 
Alidhagjar
Ceegaag.com
Garoowe
 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com