shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nabadoonada Puntland oo Maanta baaq ka soo saaray dagaalka cagaare.

(Garoowe,  April 20,  2010 Ceegaag Online)

Gudoomiyaha Nabadoonada Puntland Khaliif Axmed Aw Cali  Dhageyso

Magaalada Garoowe Waxaa kulan balaadhan Ku yeeshay Nabdoonada gobolka Nugaal, waxaana kulankaasi looga hadlaya Xaalada deegaanka Cagaare iyo dagaalada dib uga soo Cusboonaaday deegaanka cagaare oo mar kale labo Beeleed dagaal ku dhexmaray laga soo sheegayo haatan Xiisad Colaadeen.

Kulankaasi kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Gudoomiyaha Nabadoonada dalada nabadoonada puntland Khaliif axmed Aw cali oo sheegay inay baaq u diyaraan dhinacyada haatan Colaadoodu mar kale dib uga soo laabatay deegaanka cagaare.

Waxaana gudoomiyaha dalada Nabadoonada puntland uu intaasi raaciyey inay ugu baaqayaa dhinacyada labada beeleed xoojiyaan Xabada iyo colaada isuguna yimaadaan Miiska wada hadalka, wax kaloo intaasi raaciyey inay dhinaca nabadoonada Nugaal diyaar u yihiin xalinta mashaqadaasi una diyaaran gudi soo dhamaysa dhacdadaasi deegaanka cagaare.

Guud ahaanba gobolada Waxa ka soo baxay baaqyo ay dirayaan dhamaanba Qaybaha kala duwan ee bulshada jecel nabad waxana loogu baaqaya beelaha inay joojiyaan Xiisada iyo Hub uruursiga ay wadaan haatan.

Cali Dhagjar

Garoowe

webmaster@ceegaag.com