shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Makiinadii Lacagta Beenta ah Daabici jiray ee Madaxwayne Cade dib u celiayay oo Madaxwayne Faroole kasoo dajistay Qandala

(Qandala,  April 08,  2010 Ceegaag Online)

Ilo wareedyo noo diiday inaan shaacino ayaa ku waramaya in makiinadiihii lacagta been abuurka ah daabici jiray ee madaxwayne Cade Muuse dib u celiyay wakhtigii uu talada Puntland Gacanta ku hayay ayaa lagu soo waramayaa in ay dib ula soo dageen Maamulka Puntland ee uu hada taladeeda uu hayo Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole.

Makiinadahan oo laga soo dajiyay Magaalada Qandala iyada oo laga baqay in dadku ogaado hadii laga soo dajiyo Boosaaso.

Ilo wareedadan ayaa noo xaqiijiyay in nimankii Hindida ahaa ee daabici jiray ama ahaa farsamo yaqaanada ku shaqeeya makiinada oo caan ka ahaa Boosaaso ay Boosaaso kasoo dageen iyada oo isla markiiba loo qaaday dhanaca Qandala hadana ay ku gudo jiraan Daabicida lacago been abuur ah.

Lacagahan ayaa durdaba kor u qaaday maciishada Gobolada Puntland iyada oo laga dareemayo sicirbararka ilaa iyo Gobolada Soomaali Galbeed ilaa Hargaysa, Xamar, iyo Gobolada dhexe ee dalka.

Ilo wareedadan ayaa kaloo noo sheegay in mudo gaaban oo Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole joogay waqooyiga Ameerika ay ku baxday safarkiisii  lacag dhan $250,000.00 Dollar.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com