shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Sheekh Shariif oo dhexda uga jira yagleelida Ciidomo Qarameedka Soomaaliya

(Muqdisho,  April 23,  2010 Ceegaag Online)

Dawlada Soomaaliya oo isku balaadhisay dhawr xaafadood oo kamida Caasimada Muqdisho ayaa maanta soo bandhigtay cududeeda ciidan, iyodoo ciidamada qaranku dhoolo tus cududeed ku sameeyeen agagaarka Vila Soomaaliya.

Ciidamadan maanta dib loo yagleelay ayaa ah qaybtii ciidamada ee Haweenka, iyada oo ilaa hada dawladu ku guulaysatay inay qorto ama dib usoo celiso ilaa 545 Askari oo Haween ah halka aan ilaa hada la'ogayn inta ay dhanyiin ciidamada dawladu guud ahaan.
 
Madaxweyne Shariif ayaa ugu horeyn salaan Sharaf ka qaatay ciidanka, waxuuna ku amaanay sida ay wadaniyada iyo qaran jaceylku ay aad ugu weyntahay dumarka ciidanka oo waligood sumcad ku dhex lahaa gudaha ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeedba.

Waxa uu sheegay in marxaladan adag ee lagu jiro loo baahan yahay in dumarka ku jira ciidanka ay hogaamiyaan kuwa raga ah si looga gudmo oo qaranimadii iyo sumcadii Soomaaliya laheyd dib loo helo.

Dowladdu ayuu sheegay madaxweynuhu in ay diyaar la tahay qalabkii iyo qarashaadkii udub-dheexaadka u ahaa ciidan, waxaana uu intaasi raaciyay in dhawaan loo dhameystirayo inta ka dhiman si ay u fududaato gudashada waajibaadka.

 
Waxa uu ka dhawaajiyay in aysan sinaan doonin xuquuq ahaan gabadha Soomaaliyeed ee habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka iyo mida howlaheeda u gaarka ah ku howlan.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay haweenka ciidanka ah in ay xil gooni ah iska saaraan sidii dalka loo samatabixin lahaa islamarkaana dhibaatada dowlad la`aan ee uu ku jiro looga saari lahaa.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay dowladdu siin doonto dhisida ciidamo tayeysan kuwaasoo hanta difaaca dalka, diinta iyo dadkaba.

 

Daawo Sawrida

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com